25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Qatar oo shaacisay arrin ay qarisay Somaliland oo ay kala hadashay Cirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa shaacisay in kulankii dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo mideysan.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Sheekh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray kulanka ay labada dhinac is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, iyo sidoo kale siyaabaha loo xoojin karo isgaarsiinta iyo dhisidda kalsoonida dhexdooda.

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa xaqiijiyay in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku dhisan yahay furfurnaan iyo isfaham, si loo ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay Dowladda Qatar ayaa muujinaya in Dooxa ay bilowday dadaallo la doonayo in dib loogu bilaabo wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad ku jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay sii amba qaadidda wada-hadallada labada dhinac, si xal looga gaaro arrimaha taagan.

Labada dhinac oo marar hore yeeshay wada-hadallo ayaa gaari waayay wax natiijo ah, maadaama sida muuqata uu dhinac kasta ku dhagan yahay waxa uu rabo — ‘midnimo’ iyo ‘gooni-isu-taag’.

Somaliland oo in ka badan 30 sano caalamka ka iibgeynaysay hanaankeeda dimuqraadiyadeed iyo xasilloonida ay ku naalooneyso ayaan weli helin aqoonsi caalami ah, wuxuuna caalamka ula macaamila sidii maamul ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News