28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Qoryooley

Bookmark
Bookmarked

Share

Qoryooley (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka gaysteen gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi, kaas oo sababay khasaare isug jiro dhimasho iyo dhaawac.

Maleeshiyaadka ayaa lasoo wariyay inay rasaas ku fureen goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, iyaga oo waxyeello u gaystay, kadibna isaga dhaqaaqay.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarka, taas oo ahayd haweeney kamid ah dadka deegaanka, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi kasii badan.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhacdadan, waxaase lala xiriirinayaa colaadda ka taagan degmadaas oo ay horay uga dhaceen dagaal beeleedyo.

Qoryooley ayaa waxaa ku sugan maleeshiyaad iska soo horjeedo, kuwaas oo marar kala duwan ku dagaalamay magaalada dhexdeeda, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Sidoo kale dagaalladan ayaa saameyn ku yeeshay hormarkii degmada iyo ganacsiga, iyada oo ay xirmeen suuqyadii muhiimka ahaa sababo la xiriira dilal iyo dagaallada soo noq-noqday.

Dadka deegaanka aya dhankooda qaylo dhaan ka muujinayo xaaladda kasii dareyso ee degmada Qoryooley, maadaama uu faraha ka baxay ammaankii degmadaasi, ayna ku sugan yihiin maleeshiyaad aan la ogeyn cidda ay ka amar qaadanayaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saaka xiisad la xiriita dilkan laga dareemayaa degmada Qoryooley iyo deegaannada u dhow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa kale oo miro dhaliyay isku dayo ay sameeyeen maamulka gobolka iyo Koonfur Galbeed oo isku dayay inay dhex-dhexaadiyaan maleeshiyaadka isku haya halkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News