Madrid (Caasimada Online) – Weeraryahanka reer Portugal ee kooxda Liverpool, Diogo Jota, ayaa geeriyooday kaddib shil gaari oo ka dhacay gudaha dalka Spain.
Shilka ayaa sidoo kale sababay dhimashada walaalkiis Andre Jota, oo isaguna ahaa ciyaaryahan heer caalami ah.
Shilku wuxuu ka dhacay meel ku taal mile 40.4 (kiiloomitir 65) ee waddada A-52, agagaarka degmada Palacios de Sanabria. Sida ay sheegeen markhaatiyaal, gaarigii ay saarnaayeen ayaa dab qabsaday kaddib markii uu shilka dhacay.
Ciidamada gurmadka deg-dega ah ayaa si dhaqso ah u gaaray goobta, balse waxba kama ay qaban karin badbaadinta nolosha ciyaaryahanka.
Diogo Jota oo 28 jir ahaa ayaa dhowaan guursaday, halka walaalkiis Andre uu jiray 26 sano. Labada ciyaaryahan ayaa ku dhintay isla goobtii uu shilku ka dhacay.
Jota waxa uu xirfadiisa ciyaareed kusoo bilaabay kooxaha Atletico Madrid iyo Wolverhampton Wanderers, kahor inta uusan 2020 ku biirin Liverpool.
Wuxuu kooxda kula guuleystay horyaalka Premier League, iyadoo sidoo kale uu xulkiisa Portugal la qaaday koobka Nations League.
Geeridan ayaa gilgishay dunida kubadda cagta. Diogo Jota wuxuu ahaa ciyaaryahan si weyn loo ixtiraamo, isagoo xirfad cajiib ah ku lahaa waayihiisa ciyaareed ee kubadda cagta.