Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Madaxweyne Deni ayaa halkaas wuxuu si rasmi ah uga dhagax-dhigay dib u dhiska jidka laamiga ah ee u dhexeeya Bacaadweyn iyo magaalada Gaalkacyo. Dhismaha wadadan ayaa waxaa si buuxda u maalgelinaysa dowladda Puntland.
Deni ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Puntland, kuwaas oo ka qeyb-galaya munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca.
Mas’uuliyiintan ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Guddoomiyaha gobolka Mudug, Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, Isimo, Waxgaarad, Guddoomiyaha hay’adda wadooyinka Puntland, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Injineerada shirkadaha dhisaya wadada.
Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa dhaliil xooggan kala kulmay siyaasiyiin mucaarad ah. Xildhibaan hore Cawil Xasan Daad ayaa ku tilmaamay mashruuca mid aan dhab ahayn oo aan wax dan ah ugu jirin gobolka.
Wuxuu ku eedeeyay maamulka Deni in aysan awood u lahayn bixinta mushaharka shaqaalaha, isla markaana aysan suuragal ahayn in ay hirgeliyaan mashaariic waaweyn.
“Deni mushaharkii shaqaalaha ma bixin karo, injineeradii khubarada ahaa waa ka tageen. Waxaan leenahay ha ka daayo bulshada dhagax-dhig been ah oo dhibaato horseedi kara,” ayuu yiri xildhibaanku.
Maamulka Puntland ayaa waxaa la sheega inuu la daala-dhacayo dhaqaale xumo kadib markii uu musuq-maasuqa ku baahay hay’addaha dowliga. Illaa haddana ma jirto wax uu hoggaanka maamulka ka qabtay arrintaan oo fadeexad dhex istaajisay maamulka.














