Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax culus oo ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaas oo si xooggan looga dareemay magaaladan oo ay saldhig u ah ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.
Qaraxa oo gaari loo adeegsaday ayaa waxaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidan iyo dad shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana haatan socda gurmad deg-deg ah loo fidinayo dadka ay waxyeellada soo gaartay, maadaama uu goordhow qaraxu dhacay.
Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xaaladda ka dhalatay weerarka qaraxa ah oo waxyeello xoogan gaystay, laguna beegsaday goob muhiim ah.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay dib ka faah-faahin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, maadaama u socdo howlgal iyo gurmad ay fidinayaan ciidanka
Moqokori ayaa ah degmo muhiim ah oo saldhig u ah ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana in muddo ah ka socda abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo muddooyinkii ambe laga qorsheeyay howlgallo lagu naafeeyay argagixisada.
Kooxda ayaa hadda u muuqata inay qaraxa kala gol-leedahay inay isaga yareyso culeyska ay wajaheyso, maadaama howlgalladii ugu dambeeyay jab culus lagu gaarsiiyay.
Hiiraan ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf culus oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo horseeday in gobolkaasi si weyn looga difaaco argagixsada.
Sidaan oo kale waxay marar badan qaraxyo ismiidaamin ah Al-Shabaab uga fuliyeen magaalada Beledweyne oo iyana laga abaabulay howlgallo culus oo guuleystay.

