Moqokori (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay qabsashada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay shalay u gacan gashay maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Biix ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay kooxda u leedahay qabsashada Moqokori, isaga oo tilmaamay inay tahay degmadan mid istaraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku kulmaan waddooyin isku xira gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
“Moqorkori waa meel istaraatiiji ah, wadooyin badan baa ku kulma wado Maxaas aadda, wado Yasooman aadda, wado aada Aadan Yabaal, wado aada Xaawo Gadiid iyo Budbud, waddo dhanka hoose aada sida Xalfooley, Ceelhareeri ilaa Jalalaqsi wadooyin badan bay kulmisaa, waa degmo qadiimi ah oo istaraatiijiyad muhiim.ah leh” ayuu yiri Jeneral Biixi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qabsashada Al-Shabaab ee degmada Moqokori ay tahay mid dhabar jab weyn ku ah halganka dalka looga xoreynaayo Khawaarijta ee ka socda dalka, gaar ahaan dagaalka ay wadaan ciidamada Macawiisleyda ee gobolka Hiiraan.
Jeneraalka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Macawiisleyda Xawaadle ay muujiyeen karti iyo dadaal dheeri ah, ayna mudan yihiin abaal marin, isaga oo ku sifeeyay inay yihiin daraawiishtii qarnigaan.
“Al-Shabaab qabsashadooda Moqokori waxa uga muhiimsan sidii ay u jabin lahayeen qabka Macawiisleeyda oo ah beesha kaliya ee aduunka tustay in Shabaab lala dagaalami karo, runtii waxaan ku amaanaya beesha sida kartida ah ee mudada dhowrka sano ah u hortaagan yihiin Al-Shabaab oo ah Urur heer Caalami ah oo hub iyo dhaqaalo xoogan ka hela meelo kala duwan, iyagoo hal beel ah isaga difaacayaan, Macawiisleeyda beesha Xawaadlle bilad ayey mudanyihiin waana daraawiishtii qarnigaan” ayuu sii raaciyay Biixi.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan degmada Moqokori, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo labada dhinac
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ku sugan meel u dhaw Moqokori ayaa isku dayaya in ay dib u qabsadaan magaalada oo shalay gashay gacanta kooxda Al-Shabaab.
Isgaarsiinta guud ee magaalada iyo deegaannada hoos yimaada ayaa gebi ahaanba go’an kadib dagaalladii cuslaa ee halkaasi ka dhacay, sida ay illo deegaanka ah inoo xaqiijiyeen.
Si kataba, Dadaallada dib loogu qabsanayo magaalada ayaa ka socda meel aan ka fogeyn magaaladan istraatiijiga ah, halkaasi oo ciidamo gurmad ah ay gaareen.