Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay xalay ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Baqdaad oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu burburiyay illaa 4 doomood oo hub iyo saanad u waday Al-Shabaab, ayna u adeegsan jireen, si ay uga tallaabaan deegaannada dhaca jinka wabiga Shabelle.
Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in kooxda la weeraray ay abaabuleysay falal amni darro iyo weeraro qarsoodi ah, balse cagta la mariyay kadib markii laga war helay.
“Howlgalka ayaa lagu burburiyay afar doonyood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen in ay isaga gudbaan deegaannada wabiga ku teedsan ee Shabeelooyinka, Si ay u gudbiyaan saanad, fuliyaanna falal amni darro iyo weerarro qarsoodi ah” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo inta uu socday howlgalka lagu burburiyay goobo oo fariisimo ciidan ay ku jiraan oo Khawaarijta ay ku lahayd halkaas, kana soo abaabuli jireen weerarad qorsheysan.
“Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu burburiyay goobo muhiim ah oo argagixisadu ku lahaayeen deegaankaas, kuwaas oo looga soo abaabuli jiray weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka, iyadoo sidoo kale la beegsaday meelo istaraatiiji ah oo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabbaad iyo kaydinta hubka” ayaa mar kale lagu yiri warka.
Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo bxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shabeellaha Hooe ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacayay howlgallo culus oo lagu jabiyay argagixisada,waxaana laga saaray deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolkaas