25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Madaxweynaha IIRAAN ‘oo ka bad-baaday isku day ay Israa’iil ku khaarajin laheyd

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa wareysi la sii daayay Isniintii ku sheegay in Israa’iil, oo bishii hore dagaal 12 maalmood qaatay la gashay Iiraan, ay isku dayday inay disho.

Hadalladan ayaa yimid wax ka yar bil ka dib markii Israa’iil ay 13-kii Juun bilowday duqeymo aan noocooda horay loo arag oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo lagu dilay taliyeyaal sarsare oo ciidan iyo saynisyahanno dhinaca Nukliyeerka ah.

Weerarrada Israa’iil ayaa dhacay laba maalmood ka hor inta aanay Tehran iyo Washington isugu imaan wareeg cusub oo wada-hadallo Nukliyeer ah, taasoo hakad gelisay gorgortankii lagu doonayay in heshiis looga gaaro barnaamijka atoomikada ee Iiraan.

“Haa, way isku dayeen. Siyaabahaas ayay u dhaqmeen, laakiin way ku fashilmeen,” ayuu Pezeshkian u sheegay shaqsiga caanka ah ee warbaahinta Mareykanka, Tucker Carlson, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu aaminsan yahay in Israa’iil ay isku dayday inay disho.

“Ma ahayn Mareykanka kii ka dambeeyay isku-dayga dilkeyga. Waxay ahayd Israa’iil. Waxaan ku jiray kulan… waxay isku dayeen inay duqeeyaan aagga aan kulanka ku lahayn,” ayuu yiri sida ku cad tarjumaad laga soo xigtay hadalladiisa oo Afka Faarisiga ahaa, isagoo u muuqday inuu tixraacayo isku-day dil oo la sheegay inuu dhacay intii uu socday dagaalkii dhowaa.

Ugu yaraan 1,060 qof ayaa ku dhintay Iiraan intii uu socday iska horimaadka, sida ay sheegtay Hay’adda Shuhadada iyo Arrimaha Mujaahidiinta ee Iiraan (Iran’s Foundation of Martyrs and Veterans Affairs).

Weerarrada Israa’iil ayaa kiciyay weerarro aargoosi ah oo isugu jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, kuwaas oo 28 qof ku dilay gudaha Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

‘Dagaallo aan dhammaad lahayn’

Dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Iiraan iyo Israa’iil, ayaa waxaa dhacday in Israa’iil oo kaashanaysa Mareykanka, ay weerarro ku qaadday xarumaha Nukliyeerka Iiraan ee Fordo, Isfahan iyo Natanz.

Xabbad-joojin dhexmartay Iiraan iyo Israa’iil ayaa dhaqan gashay tan iyo 24-kii Juun.

16-kii Juun, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ma uusan meesha ka saarin qorshayaal lagu dili karo hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, isagoo sheegay inay taasi “soo afjari doonto iska horimaadka,” ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu diiday tallaabadaas.

Intii uu dagaalku socday, mas’uuliyiinta Iiraan waxay sidoo kale sheegeen in la fashiliyay shirqool ay Israa’iil ku doonaysay inay ku disho Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi.

Wareysiga uu siiyay Carlson, Pezeshkian wuxuu ku eedeeyay Netanyahu inuu wato “ajandihiisa gaarka ah” ee ah “dagaallo aan dhammaad lahayn” oo ka dhaca Bariga Dhexe, wuxuuna ku boorriyay Mareykanka inaan lugta loo gelin arrintaas.

“Maamulka Mareykanku waa inuu ka fogaadaa inuu ku lug yeesho dagaal aan kii Mareykanka ahayn, ee ah dagaalka Netanyahu,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in dalkiisu uusan “wax dhibaato ah ku qabin” dib-u-bilaabidda wada-hadallada Nukliyeerka, haddii dib loo soo celin karo kalsoonida labada dal.

“Ma aragno wax dhib ah oo ku jira inaan dib ugu laabanno wada-hadallada,” ayuu yiri madaxweynaha Iiraan.

“Shardi ayaa jira… oo ku xiran dib-u-bilaabista wada-hadallada. Sidee baan mar kale ku aamini karnaa Mareykanka?”

“Waan ku laabannay wada-hadalladii, haddaba sidee baan ku ogaan karnaa si hubaal ah in inta wada-hadalladu socdaan aan mar kale maamulka Israa’iil loo oggolaan doonin inuu na soo weeraro.”

Pezeshkian wuxuu intaa ku daray in Iiraan ay u furan tahay maalgashiga Mareykanka haddii cunaqabateynta saaran Tehran la qaado.

“Ma jirto wax xaddidaya ama ka hor istaagaya maalgashadayaasha Mareykanka inay yimaadaan Iiraan oo ay maalgashi ka sameeyaan Iiraan.”

Pezeshkian wuxuu sidoo kale ka digay in Mareykanku ay horyaallaan laba waddo oo uu kula macaamilo Iiraan iyo gobolka: nabad ama dagaal.

“Madaxweynaha Mareykanka, Mudane Trump, wuxuu awood u leeyahay inuu gobolka u horseedo nabad iyo mustaqbal ifaya oo uu Israa’iil meesheeda dhigo, ama uu galo god aan dhammaad lahayn ama dhiiqo, taasoo ah dagaal uu Netanyahu doonayo in Mareykanka ama madaxweynihiisa lagu lug-yeelo.”

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News