Laascaanood (Caasimada Online) – Wasaaradd Amniga Maamulka SSC-Khaatumo oo soo saartay bayaan culus ayaa ko dhowaaqday go’aanno ka kooban 4 qodob oo isla maantaba ka dhaqan-galaya gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Go’aannadan oo kuwa xasaasi, ayna ku jiraan awaamiir culus oo ay dhaqan-gelin doonaan hay’adaha amniga ayaa looga gol-leeyahay hirgelinta shirka lagu dhameystirayo Dawlad-goboleedka SSC-Khaatuma.
Wasaaradda Amniga ayaa laga bilaabo maanta oo Khamiis ah Laacaanood ka mamnuucday in lau dhex qaato hubka culus iyo gaadiidka dagaalka, sababa la xiriira shirka la gelayo.
“Laga bilaabo maalita berri oo ay taariikhdu tahay 10/Jul/2025 waxaan reeban in gudaha caasimada lala dhexmaro nooc kasta oo hub ah ama gaadiid ciidan marka laga reebo laamaha amniga ee gudanayo waajibaadka shaqo ee loo xilsaaray” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale musharixiinta u taagan hoggaanka maamulkaas ayaa sidoo kale la faray in aysan hub iyo gaadiid lasoo geli karin magaalada, waxaana kaliya loo ogolaaday istaafyo kooban oo lasiin doono aqoonsi gooni ah oo lagu garto, sida lagu sheegay bayaanka.
“Musharrixiinta u taagan xilalka madaxtinimo ee ka tirsan goleyaasha dowladda iyo kuwa keleba waxay yeelan doonaan istaafyo cayiman oo la siiyo tacfriif u gaar ah oo lagu aqoonsan doono” ayaa mar kale lagu yiri go’aanka kasoo baxay SSC-Khaatumo,
Waxaa kale oo ciidamada Daraawiishta SSC-Khaatumo, iyaguna laga mamnuucay inay ay magaalada lasoo galaan gaadiid ciidan, si loo ilaaliyo xasilloonida magaalada.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Cid kasta oo ka hortimaada awaamiirtan iskuna deyda falal liddi ku ah xasilloonida iyo amniga guud waxaa laga qaadi tallaabo sharciga waafaqsan”.
Ugu dambeyn waxaa shacabka loogu baaqay inay qaataan kaalintooda, ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee howsha adag ka haya magaalada caasimada ah ee Laascaanood.
Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran iyada oo Dalwadda Federaalka u magacowday guddi farsamo oo howshaas guda-gala kaas oo gaaray Laascaanood oo lagu wado inuu ka furmo shirka aayo ka tashiga.


