London (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale soo hoysay guul wayn oo lagu siiyay billad muhiim ah, kadib munaasabad ka dhacday magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Billada ayaa waxaa la siiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadd Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku guuleystay Wasiirka Maaliyadda Afrika ugu wanaagsan sanadkan 2025.
“Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa lagu maanta la guddoonsiiyay billadda 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝐤𝐚 kadib xaflad ka dhacday maanta London” ayaa lau yiri qoraal kasoo baxay Dawladda.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedkaa abaalmarintan ayaa loogu aqoonsaday Wasiir Biixi muddadii labada sanno ahayd ee uu joogay Wasaaradda, isaga oo ku hoggaamiyay hannaan hufan iyo dadaalka uu geliyay dib-u-habeynta maaliyadda dalka, gaar ahaan guushii dayn cafinta ee la gaaray 2023-kii.
Sidoo kale waxaa lagu qiimeeyay casriyeynta uu ku sameeyay hannaanka dakhliga oo sahlay in Dakhliga gudahu koboc sameeyo, Qorshihii deyn cafinta kadib, doorka hogaamineed ee uu ka qaatay dedaalada dib-u-hababaynta hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga oo Dowladda Soomaaliya u horseeday in ay ka baaqsato Daymo cusub, heshana maalgalin deeq ku dhisan.
Is bedelkan Soomaaliya hormuudka ka hayd ayaa dalal kale u horseeday in ay maraan dhabbaha Soomaaliya ay jeexday helaanna macaamilaad maaliyadeed oo deeq ku dhisan.
Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in guusha saxda ah iyo abaalmarintaba ay mutaysteen shacabka Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarka horumarinta dhaqaalaha iyo soo kabashada dalka, halkaasna uu kasii wadi doono.
Waxaa kale oo uu ku amaanay ganacsatada Soomaaliyeed habka ay ugu dhiiran yihiin dib-u-dhiska dalka iyada oo ay jiraan caqabado badan oo haysta.
Soomaaliya ayaa haatan sameyneysa isbeddallo waaway, iyada oo wacdaro ka dhigeysa fagaareyaasha caalamka, marka loo eego diblumaasiyadda cusub iyo dadaalka ay la timid.


