28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Soomaaliya iyo dalal kale oo malaayiin dollar ku bixinaya maamulka Trump + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka, oo Soomaali ay ka mid tahay ayaa billaabay inay malaayiin dollar siiyaan shirkado ololayn (lobbyists) oo xiriir la leh Donald Trump, si ay u yareeyaan goynta Mareykanka ee kaalmada dibadda, sida uu kashifay baaritaan cusub.  

Soomaaliya, Haiti iyo Yemen ayaa ka mid ah 11 waddan oo heshiisyo waaweyn oo ololayn ah la saxiixday shakhsiyaad si toos ah ugu xiran madaxweynaha Mareykanka, kaddib markii uu si weyn u dhimay kaalmadii bani’aadannimo ee Mareykanku siin jiray dunida.

Waddamo badan ayaa durba billaabay inay kheyraadkooda dabiiciga ah ee muhiimka ah – oo ay ku jiraan macdanta – ku beddeshaan taageero bani’aadannimo ama mid militari, sida lagu ogaaday baaritaan ay samaysay hay’adda Global Witness.

Hay’adda USAID ayaa si rasmi ah albaabadeeda u xirtay toddobaadkii hore kaddib markii uu Trump meesha ka saaray hay’addaas, tallaabadaas oo ay khubaradu ka digeen inay sababi karto dhimasho ka badan 14 milyan oo qof oo laga hortegi karay shanta sano ee soo socota.

Emily Stewart, oo ah madaxa siyaasadda macdanta ee hay’adda Global Witness, ayaa sheegtay in xaaladdan ay ka dhigan tahay in heshiisyada laga dhex wado Washington ay noqon karaan “kuwo rajo-beel ku jiro oo aan dan u ahayn dalalka dakhligoodu hooseeyo,” kuwaas oo si isa soo taraysa ugu nuglaaday in si arxan darro ah looga faa’iidaysto kheyraadkooda dabiiciga ah.

Dokumiintiyo la helay ayaa muujinaya in lix bilood gudahood markii ay dhacday doorashadii Mareykanka ee bishii Nofeembar ee sannadkii hore, la saxiixay qandaraasyo qiimahoodu dhan yahay $17 milyan (£12.5m) oo u dhexeeya shirkado ololayn oo xiriir la leh Trump iyo qaar ka mid ah waddamada ugu horumarka yar adduunka, kuwaas oo ka mid ahaa dalalkii ugu badnaa ee ka faa’iidi jiray USAID.

Diiwaanno la gudbiyey si waafaqsan sharciga Diiwaangelinta Wakiillada Dibadda ee Mareykanka (U.S. Foreign Agents Registration Act) ayaa daaha ka rogay in waddamada qaar ay saxiixdeen qandaraasyo dhowr ah, oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo (DRC), oo sannado badan la daalaa dhacaysay barakac ballaaran iyo colaado salka ku haya kheyraadkeeda macdanta.

DRC waxay qarka u saaran tahay inay heshiis macdan ah la gasho Mareykanka si ay uga hesho taageero ka dhan ah fallaagada ay taageerto Rwanda, taasoo shirkadaha Mareykanka u oggolaanaysa inay helaan macdanta lithium, cobalt iyo coltan.

DRC – oo ka mid ahayd 10-ka waddan ee ugu sarreeya ee kaalmada ka heli jiray USAID – ayaa qandaraasyo qiimahoodu yahay $1.2 milyan la saxiixatay shirkadda ololaynta ee Ballard Partners.

Shirkaddan, oo uu leeyahay Brian Ballard, waxay u ololayn jirtay Trump kahor doorashadii Mareykanka ee 2016, waxayna ka mid ahayd deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee ololihii siyaasadeed ee madaxweynaha Mareykanka.

Soomaaliya iyo Yemen waxay heshiisyo la saxiixdeen shirkadda BGR Government Affairs – oo ay la kala galeen $550,000 iyo $372,000 siday u kala horreeyaan.

Sean Duffy, oo hore lammaane uga ahaa shirkadda BGR, ayaa hadda ah wasiirka gaadiidka ee Trump, taasoo ka mid ah xiriiro badan oo isku murugsan oo u dhexeeya madaxweynaha Mareykanka iyo shirkaddan ololaynta.

Dowladda Pakistan, oo ah waddan la tacaalaya saboolnimo baahsan balse aad hodan ugu ah macdanta, ayaa laba qandaraas la saxiixatay shirkado ololayn oo xiriir la leh Trump, kuwaas oo bishii ku kacaya $450,000.

Pakistan ayaa hadda heshiisyo kula jirta shakhsiyaad kala duwan oo ka tirsan dadka ugu dhow Trump, oo uu ku jiro madaxweynaha ilaaliyahiisii hore ee Keith Schiller.

Helitaanka kheyraadka dabiiciga ah ee muhiimka ah ayaa mudnaan u noqotay Trump, gaar ahaan macdanta dhifka ah (rare earth minerals). Kuwaan waxaa loo arkaa inay muhiim u yihiin amniga Mareykanka, balse silsiladaha sahayda caalamiga ah waxaa gacanta ku haya Shiinaha.

Dalal kale ayaa bixinaya marin u helid gaar ah oo dekedo, saldhigyo militari, iyo macdanta dhifka ah si ay u helaan taageerada Mareykanka.

Inkastoo Global Witness ay sheegtay in isku beddelka jagooyinka ee u dhexeeya dowladaha iyo shirkadaha ololaynta aysan ahayn wax cusub, haddana waxay hay’addu sheegtay inay ka walaacsan tahay dhaqdhaqaaqyada ballaaran ee dhaca ku salaysan ee horseedaya heshiisyada cusub.

Stewart waxay tiri: “Waxaan aragnaa dhimis weyn oo lagu sameeyay kaalmada, oo ay wehliso tartan aan gabbasho lahayn oo loogu jiro macdanta muhiimka ah, iyo rabitaan ay maamulka Trump u qabaan inay heshiisyo ku xaqiijiyaan si ay ugu beddelaan kaalmo ama gargaar militari.”

“Heshiisyadu waa inay noqdaan kuwo daah-furan oo caddaalad ah. Waxaa muhiim ah in la aqoonsado doorka ay kaalmada caalamiga ahi ka ciyaarto abuurista adduun nabdoon oo loo wada dhan yahay, iyo in kaalmadaas ay sii lahaato door u gaar ah oo ka madax bannaan ganacsiga.”

- Advertisement -

Read more

Local News