Maxaas (Caasimada Online) – Waxaa socda diyaar-garowgii u dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ugu dhaqaaqi lahaayeen dib u qabsashada Moqokori oo dhawaan gashay gacanta kooxda Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo madax ka tirsan dowladda federaalka ayaa haatan ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka wadaan kulamo looga hadlayo dib u qabsashada magaalada Moqokori.
Sidoo kale waxaa socda diyaar-garow ciidan, si dagaal culus loogu qaado maleeshiyaadka hadda ku sugan Moqokori. Magaaladan ayaa ah deegaan istaraatiiji, waxayna ku taalla meel u dhaw xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ahna La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa adkeeyay in ay dib ugu laaban doonaan Moqokori oo ay hore uga soo baxeen ciidamadu kadib dagaal ka dhacay halkaasi.
“Waxaa socda dadaallo dib loogu habeynayo ciidamada deegaanka, si loo xoojiyo dagaalka, una qabsadaan deegaano hor leh oo ku sugan yahay cadowga,” ayuu yiri Cali Jeyte.
Maxaas oo ah magaalada uu haatan ka socda abaabulka dib u qabsashada Moqokori ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa mas’uuliyiinta heer gobol iyo federaal, halkaasi oo kulamo muhiim ah kula qaateen saraakiisha ciidanka, hoggaanka dhaqanka iyo dadka deegaanka.
Si kastaba, abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal-hayn xoogan iyo falcelin aan caadi ahayn ay ka dhalatalay qabsashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, taas oo ugu dambeyn u gacan gashay cadowga.

