Asmara (Caasimada Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar iyo Eritrea ayaa yeeshay wada-hadal telefoon ah, kadib kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdalfatax Al-sisi, iyagoo ka wadahadlay arrimo xasaasi ah oo xiisadda Itoobiya ku saabsan.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista ay u qabaan xoojinta xiriirkooda iyo iskaashi dhow oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka.
Wadahadalkan ayaa kusoo aaday ayadoo dhawaan magaalada El Alamein ee dalka Masar uu kulan ku dhexmaray Madaxweyne Cabdaltattah El-Sisi iyo dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, labada Madaxweyne ayaa diiradda saaray sidii looga hortegi lahaa damaca Itoobiya.
El-Sisi ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u ballan qaaday taageero ciidan iyo in Masar ay sii adkeyn doonto daneynteeda ku aaddan amniga Badda Cas, si looga hortago damaca Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ay si cad u sheegtay inay ka go’antahay inay gaarto oo marin biyood iyo saldhig militari ay ka hesho Badda Cas.
Sidoo kale bishii October 2024 Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa yeeshay shir madaxeed ka dhacay Asmara, kaas oo lagu adkeeyay iskaashiga amni ee saddex geesoodka ah, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiirrada arrimaha dibadda Masar iyo Eritrea ayaa isla soo hadal qaaday shirar kale oo heer madaxeed ah iyo in la dejiyo istaraatiijiyad amni oo Itoobiya looga difaacayo Badda Cas.
Madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii Masar uga sii gudbay Turkiga, isagoo dhiggiisa kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal u dhexeeya, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sare u qaadista iskaashiga dhanka amniga iyo ciribtirka Khawaarijta.
Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa carrabka ku adkeeyey in dalkiisu uu xoojinayo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ay la garab taagan yihiin, iyadoo la iftiimiyey xiriirka sii qoto dheeranaya ee labada dal.

