Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria ayaa sheegay in Mareykanka uu cadaadis ku saarayo wadamada Afrika inay aqbalaan dad Venezuela u dhashay oo laga soo tarxiilayo dalkaas, kuwaasoo qaarkood si toos ah xabsiyada looga soo daayay, balse waddanka ugu dadka badan Afrika uusan qaabili karin dhibaatooyin u gaar ah oo haysta awgood.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa todobaadkan ka codsaday shan madaxweyne oo Afrikaan ah oo booqasho ku joogay Aqalka Cad inay qaabilaan muhaajiriin dalal kale ka socda marka uu Mareykanku soo tarxiilo, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba sarkaal oo ka warqabay wadahadalladaas.
Yusuf Tuggar, wasiirka arrimaha dibadda ee Nigeria, ayaa telefishinka gudaha ee Channels TV u sheegay fiidnimadii Khamiista in Nigeria aysan aqbali karin arrintaas.
“Waa inaad sidoo kale maskaxda ku heysaan in Mareykanku uu cadaadis xooggan ku saarayo wadamada Afrika inay aqbalaan dad reer Venezuela ah oo Mareykanka laga soo musaafurinayo, kuwaasoo qaarkood si toos ah xabsiyada looga soo daayay,” ayuu yiri isagoo ku sugan dalka Brazil halkaas oo uu uga qeybgalayay shir madaxeedka BRICS.
“Way ku adkaan doontaa waddan sida Nigeria oo kale ah inuu aqbalo maxaabiis reer Venezuela ah. Waxaan leenahay dhibaatooyin noo gaar ah oo nagu filan,” ayuu yiri, isagoo xusay in dalkiisu uu tirada dadkiisu ay gaareyso 230 milyan oo qof.
Aqalka Cad ayaan ka jawaabin codsiyo loo diray oo ku aaddanaa inay arrintan uga hadlaan.
Tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay bishii Janaayo, Trump waxa uu cadaadinayay in la dardargeliyo tarxiilka, oo ay ku jirto in muhaajiriinta loo diro waddamo saddexaad marka ay jiraan dhibaatooyin ama dib u dhac ku yimaada in loo diro wadamadooda.
Todobaadkan, waxa uu Aqalka Cad ku martiqaaday madaxweynayaasha Liberia, Senegal, Guinea-Bissau, Mauritania iyo Gabon. Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah iyo mid kale oo reer Liberia ah, waxa uu soo bandhigay qorshe ah in wadamada Afrika ay qaabilaan muhaajiriinta ka imaanaya dalal kale marka uu Mareykanku soo tarxiilo.
Madaxweynaha Liberia, Joseph Boakai, ayaa Jimcihii warbaahinta dalkiisa u sheegay in laga wada hadlay arrimaha muwaadiniinta dalalka saddexaad, balse uusan Trump si toos ah uga codsan Liberia inay aqbasho dadka noocaas ah ee la soo tarxiilayo.
“Qofna ma qasbayaan, laakiin waxay doonayaan inaan ogaanno in tani ay tahay welwelka ay qabaan, waxayna na weydiinayaan sidee baan gacan uga geysan karnaa, sidee baan u caawin karnaa?” ayuu yiri.
Madaxweynaha Guinea Bissau, Umaro Sissoco Embaló, ayaa sheegay in Trump uu mowduucaas kaga hadlay shir-madaxeedka, balse uusan si gaar ah uga dalban wadamada Afrika inay oggolaadaan qaabilaadda dadka la soo tarxiilayo.
Wargeyska The Wall Street Journal ayaa Arbacadii warbixin ku sheegay in dokumenti gudaha ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo loo diray dowladaha Afrika ka hor kulanka, loogu baaqay inay oggolaadaan “si sharaf leh, ammaan ah, oo waqtigeeda ku habboon looga soo wareejiyo Mareykanka” muwaadiniinta dalalka saddexaad.

