Gaarisa (Caasimada Online) – Weerar qarax ah oo lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sababay dhimashada ugu yaraan laba askari iyo dhaawaca tiro kale, sida lagu xaqiijiyay magaalada Garissa ee waqooyi bari Kenya.
Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Ijara iyo Bodhai, xilli ay ciidamada ku safrayeen waddadaas.
Laba askari oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Shabeel Bashiir iyo Cabdikadir Maxamuud Salaat ayaa ku dhintay weerarka. Waxay saarnaayeen gaari nooca Probox ah, iyaga oo ku sii jeeday magaalada Bodhai, markaas oo qaraxu dhacay.
Guddoomiyaha degmada Bodhai, Dubat Maxamed, ayaa xaqiijiyay in miinada lagu aasay dhulka ay u muuqatay mid si gaar ah loogu beegsaday ciidamada ammaanka ee inta badan isticmaala waddadaas.
“Waa dhacdo murugo leh, waxaan aaminsanahay in weerarka si toos ah loogu bartilmaameedsaday ciidamada,” ayuu yiri Guddoomiye Dubat.
Wuxuu sidoo kale sheegay in amniga waddada la adkeeyay, isla markaana ay socdaan hawlgallo ay wadaan cutubyo ka tirsan GSU iyo SOG si loo raadiyo cidda ka dambeysay weerarka.
“Ciidamadu waxay baarayaan goobo looga shakisan yahay, waxaanan ugu baaqeynaa shacabka inay gacan naga siiyaan helitaanka xogaha muhiimka ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Weerarkan ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay Xildhibaan Abdi Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Ijara, isagoo ku tilmaamay mid caqabad ku ah dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo gobolka. Wuxuu weerarka ku sifeeyay mid arxan darro ah oo muujinaya khatarta wali ka jirta deegaanka.