Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa sheegtay in 82 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish (IS) la qabtay, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen howlgallo qaraxyo ah iyo xasilooni darro ah oo ay doonayeen inay ka fuliyaan gudaha Itoobiya.
Xubnaha ayaa ka tirsanaa faraca Daacish ee ka howlgala buuraha deegaanada maamulka Puntland ee Soomaaliya.
Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay inay ogaadeen in Daacish ay ku howlan tahay ballaadhinta shabakadooda gudaha Itoobiya iyo samaynta saldhigyo qarsoon oo lagu abaabulo xubno cusub.
Sidoo kale, Hay’addu waxay sheegtay in la helay xog iyo caddeymo muujinaya isku xirnaanta xubnahan iyo shabakado caalami ah oo dhanka sirdoonka, maaliyadda iyo saadka ka kaalmeeya.
Xubnahan ayaa la qabtay kadib markii ay tababar ku soo qaateen deegaanada Puntland, waxaana la sheegay in loo diray magaalooyin badan oo gudaha Itoobiya ah inay ka howlgalaan.
Dagaalyahanada Daacish, goobaha lagu qabtay waxaa ka mid ah: Addis Ababa, Sheger, Adama, Shashamane, Harar, Bale, Jimma, Shaakiso, Jigjiga, Shawe, Silte, Halaba, qulito iyo Kamise.
Masuuliyiinta Sirdoonka Itoobiya waxay intaas ku dareen in kooxda si dhow loola socday muddo dheer, ayna jireen xog muujinaysa qorshahooda ah inay sal-dhig ka sameystaan Itoobiya si ay halkaas uga wadaan howlgallo argagixiso oo isku xiran.