25.5 C
Mogadishu
Sunday, July 20, 2025

Jaamacadda Carabta oo dhowaan wafdi culus usoo direysa Muqdisho + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda Jaamacadda Carabta ayaa maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada Muqdisho, kuwaas oo mashaariic muhiim ah ka fulin doono gudaha dalka, sida uu shalay shaaciyay Danjiraha Jaamacadda Carabta u jooga Muqdisho, Cabdalla Cuteybi oo kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaare Xamza.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa la wadaagay danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamacadda Carabta wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Intaasi kadib Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in dhowaan ay Soomaaliya imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka ka hirgelin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo is daba joog ah oo uu maalmahan Ra’iisul wasaaruhu la qaadanayay wakiilada beesha caalamka, isaga oo inta badan kala hadlay arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo kordhinta taageerada ay siiyaan dawladda federaalka ah.

Xamza ayaa kulankii u dambeyay la yeeshay danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa danjiraha UK la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Waxaa kale oo uu dhowaan Ra’iisul wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay anjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi oo ay ka wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana muran xooggan uu ka dhashay hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka 2026, kadib markii xubno mucaaradka iyo laba Maamul-goboleed ay ka biyo diideen qorshaha Villa Somalia

- Advertisement -

Read more

Local News