Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa maxaabiis tiro badan oo xalay ka baxsaday saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ku eedeysnaa dambiyo kala duwan oo culus.
Illaa 27 maxbuus ayaa lasoo wariyay inay hal mar ka wada baxeen xabsiga, iyaga oo jabiyay darbiga gadaale ee dhismaha saldhigga, kadibna sidaas ku baxsaday.
Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista baxsatay oo u badan dhalinyaro ay ku eedeysnaayeen dambiyo ay kamid yihiin kufsi, dhac dadweyne iyo isku dey dil, waxaana qorshuhu ahaa inoo loo gudbiyo maxkamadaha ku shaqada leh, si loo horgeeyo sharciga.
Saaakiil ka tirsan booliska Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyay baxsashada maxaabiistan, waxaana haatan socda baaritaanno ay wadaan laamaha amniga.
Arrintan ayaa dhalisay in su’aallo la’iska waydiiyo sida ay ku suurageli karto in tiro intaas la’eg oo maxaabiis ah ay hal mar fakadan, taas oo keentay tuhunno aad u xooggan.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Hodan iyo saraakiisha amniga oo ku aadan falkan, waxaana isha lagu wada haya baaritaanka haatan socda iyo natiijada kasoo baxda.
Horay ayaa sidaan oo kale maxaabiis waxa ay uga baxsadeen xabsiyo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xabsiga dhexe ee Xamar, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsigaas ay weerar soo abaabuuleen, kadibna ay la dagaalameen ilaalada, taas oo keentay in qaarkood la dilo, kuwa kalena ay baxsadaan.