25.5 C
Mogadishu
Sunday, July 20, 2025

Daawo: Howlgal ay ka qayb qaateen Ahlu Sunna oo jab lagu gaarsiiyay Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) -Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Macalin ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka, wuxuuna sheegay inay ka qayb qaateen ciidanka Ahlu Sunna Waljaamaca.

Afhayeenka oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ahlu Sunna, kuwa deegaanka iyo ciidanka Xoogga dalka ay iska kaashandeen howlgal culus oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Camaara iyo Qodqod, laguna naafeeyay kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Abuukar ayaa sheegay in howlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu dilay illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Howgal barakeysan ayaa waxa uu ka dhacay deegaan u dhexeeyo Camaara iyo Qodqod, kaas oo lagu magacaabo Xingaduud, waxaana lagu dilay Khawaarij gaareyso illaa 11 dhagarqabe, howlgalkaas waxaa fuliyay ciidamada deegaanka ee xaq-udirirka ah, ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Baxdo, wuxuuna howlgalkaas u dhacay sidii loogu talagalay” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay howlgal kale oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo uu tilmaamay in lagu dilay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka iyo dilalka.

“Sidaas oo kale ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab howlgal ay fuliyeen waxay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu khaarijiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdiraxmaan Sanbuur oo ku magaca dheeraa Ibraahim Takey” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxa uu kooxda ku biiray 2010-kii, wuxuuna u qaabilsanaa afduubka iyo in la laayo dadka muslimiinta ah”.

Ugu dambeyn wuxuu afhayeenku hoosta ka xariiqay in howlgalladu ay sii socon doonan, illaa inta Al-Shabaab laga xoreynaayo deegaannada ay hadda ka joogaan gobollada dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay xaqiijineysaa in howlgalkan uu sii soconaayo inta ay kooxaha Khawaarijta ka joogaan taako in lamid ah dhulkeenna hooyo” ayuu mar kale yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News