Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo si deg-deg ah uga fal-celiyay bayaanka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee looga hadlay arrinta markabka hubka “ayaa xalaaleystay hubka u gacan galay” Jimcihii lasoo dhaafay.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur oo erayo kooban uga fal-celiyay tallaabada dowladda ayaa tilmaamay in haatan uu xalaal u noqday hubka ay hayaan ee uu xambaarsan yahay markabka Sea World oo hadda ku sugan dekedda Boosaaso.
“Hadduu Xalaal Noqoday!!!” ayuu yiri wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland oo ka falceliyay go’aanka maanta kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo saaka warsaaxafadeed cusub kasoo saartay markabka hubka ee u gacan galay Dowlad-goboleedka Puntland ayaa iyaduna sheegtay in hubkaas loo waday xerada tababarka TurkSom, uuna kusoo socday dekadda wayn ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in markabka uu siday shixnad ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isla markaana uu ku socday nidaam sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Waxaa kale oo qoraalka looga dalbaday Puntland inay si deg-deg ah usii dayso markabka iyo qalabka uu sido, iyada oo sidoo kale looga digay dhaq-dhaqaaqa ciidan ee ay haatan ka waddo xeebaha bari ee Puntland.
“DFS Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland” ayaa lagu yiri bayaan goor sii horreysay oo maanta ah kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa sii hurineyso xiisadda dhex-taalla Muqdisho iyo Garoowe oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda, kadib markii ay isku fahmi waayeen hannaanka loo wajahayo doorashooyinka soo socda dalka iyo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah.