28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Soomaaliya oo halis ugu jirta in mar kale lagu soo rogo cuna-qabateynta hubka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Daba-yaqaadii 2023, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu si rasmi ah u qaaday cuna-qabateentii hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo 1992-kii, taas oo dowladda federaalka u suurta-gelisay inay si toos ah u soo dhoofsan karto hub iyo qalab milatari, si ay ugu adeegato dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hase yeeshee, tan iyo markii cuna-qabataynta la qaaday, waxaa soo kordhay walaac xooggan oo la xiriira sida hubkaas ku soo galaya dalka uu mararka qaar ugu gacan galo dad aan matalin dowladda, taasoo khatar ku ah ammaanka gudaha.

Tusaale ahaan, toddobaadkii hore ciidamada badda ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo SEA WORLD oo kusoo xirtay xeebta Bareeda ee gobolka Bari.

Markabkan oo ka yimid dalka Turkiga ayaa siday gaadiid dagaal, hub culus iyo agab milatari. Sida la sheegay, hubkaasi wuxuu ku socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada TÜRKSOM oo ay maamusho dowladda Turkiga.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay inuu baarayo hubka saaran markabka, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad uga hadashay arrintaas, waxayna markabka ku tilmaantay “mid la afduubay”, iyada oo ku baaqday in si deg-deg ah loo fasaxo.

Falanqeeyayaal badan waxay dhacdadan u arkaan tusaale kale oo muujinaya kala-jajabka ka jira xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada marka ay timaado la wareegidda iyo xakameynta amniga qaranka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan iyadna, dhacdo kale oo walaac dhalisay oo bartamihii sanadkii hore ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo dadka deegaanka ay qabteen laba gaari oo siday hub culus. Lama caddeyn markaas cidda iska leh hubkaasi, mana cadda halka loo waday.

Muuqaallo markaas lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay hubkii oo gacanta u galay dad rayid ah, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo hub aan la xakameyn oo gudaha dalka ku faafaya.

Maxaa ka dhalan kara dhacdooyinka is-biirsaday ee halista ku ah ammaanka hubka?

Inkastoo nidaamka caalamiga ah ee xakameynta hubka uu aqoonsan yahay dowladda federaalka, haddana maamul-goboleedyada iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa weli haysta awood ay ku hor istaagi karaan hirgelinta siyaasadda amni ee dowladda dhexe.

Meelaha lagu qabtay hubkaasi intooda badan ma jiraan ciidamo dowladda dhexe ka tirsan oo ka taliya, taasoo sii adkeyneysa isku dubbaridka dowladda iyo maamul-goboleedyada.

Sida ay tilmaamayaan falanqeeyayaasha, nidaamka federaalka ee Soomaaliya wuxuu xaddiday awoodda dowladda dhexe, taasoo ka hortageysa in tallaabooyin amni oo qaran ah la qaado.

Hubka si aan sharci ahayn ku soo gala dalka, kuna dhaca gacanta dad aan dawli ahayn, wuxuu noqon karaa sabab dib u fura wada-hadalada ku saabsan in mar kale la saaro cuna-qabatayn hubka ah oo Soomaaliya lagu soo rogo.

- Advertisement -

Read more

Local News