26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xaaladda Beledxaawo oo ka sii dartay iyo JANAN oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Beledxaawo oo maalin kahor ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa maamul-goboleedka Jubaland.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan halkaasi, iyaga oo wada is uruursi ciidan, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Beledxaawo.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda bilaabay inay barakacaan, si ay uga fogaadaan in mar kale lagu kor dagaalamo, isla markaana ay waxyeello kasoo gaarto.

Taliyaha NISA ee Jubaland ee Cabdirashiid Janan oo ay dowladda Soomaaliya ka dirtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay in dagaalka ay hurinayaan mas’uuliyiinta Jubaland ee ku sugan degmada, gaar ahaan waxa uu carab-baabay Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdiga la socda, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan arrimahaas, una fasaxaan shacabka isgaarsiinta.

Janan ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada Jubaland ee dagaalka ku jira, wuxuuna ugu baaqay inay isaga soo tagaan oo ay kusoo biiraan dowladda, si ay u helaan xuquuqda ka maqan.

“Waxaan in shacabka iyaga u xaqiijiyo dowladda iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed uma dhisno in shacabkooda ay dhibaateeyaan qodobka kale ee saaxibadey leeyahay waxaa waayay war horaan u iri Axmed afduubayaal iyo dhibanayaal ay u ahaayeen wiilasha Soomaaliyeed oo ciidamada ah waxaan idin leeyahay arrintaan idin ma qabato” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wiilashaan waxay rabaan darjo, xuquuq iyo dalacaad, waxay rabaan inay kamid noqdaan ciidanka qaranka oo ay galaan laamaha ciidamada”.

Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

- Advertisement -

Read more

Local News