26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri markabka hubka sida ee ay qabsatay Puntland?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay maamul goboleedka Puntland in ay si degdeg ah u sii daayaan markabka MV Sea World, oo siday qalab ciidan oo loogu talagalay hawlgalka tababarka ciidanka ee TÜRKSOM, oo ay Turkigu taageeraan.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu la kumay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaasi oo u xaqiijiyey in ay leeyihiin hubka saaran markabka oo ay Puntland afduubatay 18-kii July.

“Kulan aan maanta la yeeshay safiirka Turkiga, waxaa la igu wargeliyey in markabka MV Sea World uu siday qalab ciidan oo loogu talagalay TÜRKSOM,” ayuu yiri Sharmaarke. “Safiirku wuxuu xusay inuu la xiriiray Puntland balse uusan wax guul ah ka gaarin. Sidaas darteed, waxaa Puntland sharci ahaan ku waajib ah inay markabka si degdeg ah oo dib u dhac la’aan ah u sii deyso.”

Cambaareynta dowladda federaalka 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay celinta markabka, iyadoo ku tilmaantay “afduub sharci-darro ah” iyo ku xadgudub toos ah oo lagu sameeyay dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, markabka MV Sea World wuxuu ku sii jeeday magaalada Muqdisho isagoo siday shixnad milatari oo lagu oggolaaday heshiisyo iskaashi oo dhinaca difaaca ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in shixnadda markabku ay waafaqsanayd shuruucda Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, ayna ku jireen qalab loogu talagalay xarunta tababarka ee TÜRKSOM ee Muqdisho. Dowladda ayaa intaa ku dartay in markabka ay sidoo kale saarnaayeen badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

“Qabashada sharci-darrada ah ee lagu hayo markabka MV Sea World waxay ku khasbaysaa Dowladda Federaalka inay qaaddo tallaabooyin amni oo sharci ah si loo xaqiijiyo badqabka maraakiibta si sharci ah ugu dhex socda biyaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland oo difaacday afduubka

War-saxaafadeed gooni ah oo ay soo saartay, ayay Puntland ku xaqiijisay qabashada markabka, balse waxay iska fogeysay eedeymaha burcad-badeednimada. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in markabku uu soo galay biyaha Puntland isagoon is ogeysiin, uuna laba maalmood ku hakaday aag ay ka socdeen howlgalo amni, taasoo keentay shaki.

Wararku waxay sheegayaan in kalluumeysato deegaanka ah ay markii hore koreen markabka ka hor inta aysan soo faragelinin Ciidanka Badda Puntland. Maamulka Puntland ayaa tan iyo markaas bilaabay baaritaan ku aaddan shixnadda iyo dokumentiyada saaran, waxayna sheegeen inaysan markabka ka helin wax badeeco ganacsi ah — balse kaliya qalab ciidan.

Maamulka goboleedka ayaa sidoo kale xusay inay heleen su’aalo uga yimid ganacsato fadhigoodu yahay Muqdisho iyo safaaradda Turkiga, taasoo sii kordhisay shakiga ku saabsan halka ay shixnaddu ka timid iyo ujeeddadeeda.

“Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka qaybgalka Dowladda Federaalka iyo Turkiga ee soo gabagabeynta baaritaankan,” ayaa lagu yiri bayaankooda.

Khilaafka ka dhashay markabka MV Sea World ayaa isku beddelay is-mari-waa dastuuri ah iyo mid diblomaasiyadeed oo ballaaran. Dowladda Federaalku waxay soo xiganaysaa Qodobka 54-aad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo siinaya Muqdisho awoodda gaarka ah ee difaaca qaranka iyo amniga badaha. Waxay ku doodaysaa in Puntland aysan xaq sharci ah u lahayn inay qabato ama baarto shixnad milatari oo ay fasaxday dowladda dhexe.

Muqdisho ayaa sidoo kale cuskatay sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS), si ay qabashada markabka ugu sifayso fal burcad-badeednimo ah.

Dhanka kale, Puntland waxay ku adkaysanaysaa in tallaabooyinkeedu ay ku jiraan xuduuddeeda awoodeed, marka la eego joogitaanka markabka ee aag xasaasi ah oo xeebta ka tirsan iyadoon wax ogeysiin ah la bixin.

Iyadoo ay xiisaddu sii kordheyso, faragelinta Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Sharmaarke waxay cadaadis dheeri ah saaraysaa Puntland si ay uga fogaato iska hor-imaad dheeraad ah ayna u dhowrto waajibaadka caalamiga ah ee Soomaaliya saaran.

- Advertisement -

Read more

Local News