Beledxaawo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta goob fagaare ah kusoo bandhigtay ciidamo ay sheegtay inay kasoo goosteen maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay duleedka Beledxaawo.
Ciidamada oo wata hubkooda ayaa waxaa xerada UK oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda kusoo dhoweeyay Cabdirashiid Janan oo dhowaan uun dowladda Soomaaliya ay u magacowday taliyaha NISA ee Jubaland, kadibna tegay gobolka Gedo.
Janan ayaa la hadlay ciidamada usoo goostay dhankiisa, wuxuuna tilmaamay in haatan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin ciidanka qaranka. loona bilaabayo mushaar toos ah.
“Waad mahadsan tihiin soo dhawaada Allaha idin barakeeyo waa idinku faraxsanahay, waxaa kale oo intaas idin dheer qofkii hadda uu mushaarka ka xiran yahay wuu qaadanayaa mushaarkiisa oo ciidanka kale ayuu lamid yahay,” ayuu yiri Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Runtii waxaad qaadateen go’aan geesinimo leh markii aad aragteen xaaladda sida ay tahay, ogaada abaalkeeda waa la idin hayaa”.
Cabdirashiid Janan oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada u dagaalamaya Axmed Madoobe, wuxuuna ugu baaqay inay isaga soo tagaan oo ay qaataan nabadda, lana shaqeeyaan dowladooda.
“Annaga deegaankeena uma rabno dagaal, raga kale waxan leeyahay ciidamadiina qaranka kusoo biira, deegaankan nabad ayaan u rabnaa wiil Axmed Madoobe soo diray in uusan na dilin anagana aanan dilin caqli doqomeed lama rabo,” ayuu mar kale yiri.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubaland oo ku aadan ciidamada la sheegay inay ka goosteen ee maanta lagu soo bandhigay duleedka degmada Beledxaawo.
Arrintan ayaa kusoo aadayso, iyada ooo weli ay jirto xiisadda ka taagan degmadaas oo ay mar kale shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubaland.
Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

