Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha oo kasoo kicitamay Jabuuti oo safarkiisa uu kasoo bilaabay ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa, waxaana halkaasi uga bilaabatay booqasho rasmi ah.
Xasan Sheekh ayaa halkaasi uga qeyb-galaya shirweynaha Qaramada Midoobey ee sugnaanta cuntada adduunka, kaas oo ay qeyb ka yihiin hoggaamiyeyaal ka socda caalamka iyo gobolka.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ay ka arrinsan doonaan xiriirka labada dal iyo arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisadda sare u kacday ee Itoobiya iyo dalalka Badda-cas.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu Abiy kala hadlo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Gedo oo ay mar kale kasoo cusboonaatay xiisad Dowladda Federaalka kala dhexeyso maamulka Jubaland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya.
Safarkaan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan Madaxweynuhu ku tegay dalalka Masar iyo Turkiga, isaga oo hoggaamiyeyaasha dalalkaas kala soo hadlay xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda haatan kasoo cusboonaatay aagga Badda-cas.
Waxaa kale oo ay booqashadan kusoo aadeysaa, xilli dhowaan Soomaaliya ay iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn oo ay ku jirto Itoobiya.
Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.








