26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Maxaa ka soo baxay kulanka taliyeyaasha sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Salaad, ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Taliyaha Sirdoonka dalka Itoobiya, Ridwaan Xuseen.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo xoojinta wada-shaqeynta amni ee labada dal.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada hay’adood, si ay ugu wada shaqeeyaan sugidda amniga gobolka iyo ciribtirka khataraha kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab oo halis ku ah gobolka oo dhan.

Sidoo kale, waxay isla qaateen muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee labada dal, si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah ee carqaladeynaya xasilloonida Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Kulankan Addis Ababa ka dhacay ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dal ay ku doonayaan inay ku dhisaan iskaashi amni oo wax ku ool ah, iyadoo mudnaanta la siinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda nabadda gobolka.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo inta badan uu ka dhexeeyo xiriir diblomaasiyadeed aan fadhin, ayaa waxay labada dhinac iska kaashadaan arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab oo Addis Ababa khatar amni oo waxyeello u geysan karta.

- Advertisement -

Read more

Local News