Doolow (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya oo shalay weeraray xerada NISA ee degmada Doolow ayaa watay Taliyihii NISA ee xeradaas, Gaashaanle Saleebaan Gayre iyo dhowr kamid ah askartiisa.
Askarta Itoobiyaanka oo ay wehlinayeen ciidamo daacad u ah guddoomiyaha degmada ayaa hareereeyay xerada ay deggenaayeen ciidamo ka tirsan hay’adda NISA, taas oo suurta-gelisay inay wataan Taliyaha iyo askar dhowr ah oo ku sugnaa xerada.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Sarkaalka la xiray iyo askartiisa ayaa dib u helay xoriyadoodii, kadib markii ay soo furatay dowladda federaalka oo ayadu xiriir la sameysay saraakiisha Itoobiyaanka.
Taliyaha ayaa muddo kooban ku xirnaa xarun ciidan, waxaana sidoo kale sii deyntiisa ku lug lahaa dadaallo hoose iyo cadaadis siyaasadeed oo ka yimid dhinacyo kala duwan.
Inkastoo si rasmi ah loo ogeyn illaa iyo hadda sababta keentay xariga Taliyaha NISA ee Doolow, waxayna kusoo aadeysa xilli ay gobolkaasi ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, magaalada u dhow ee Beledxaawo, waxaa mar kale ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa daacadda u ah Jubaland. Ciidamo gurmad ah oo labada dhinac ah ayaa la arkayay iyagoo ka imaanaya dhinaca Doolow iyo Ceelwaaq, taas oo halis gelinaysa inuu sii xoogeysto iska horimaadku.
Si kastaba, weerarka Itoobiyaanka ku qaadeen xerada NISA ee Doolow ayaa waxa uu galaaftay nolosha laba qof, oo uu ku jiro hal askari oo ka tirsanaa ciidamada federaalka, iyo sidoo kale tiro kale oo dhaawac ah, iyadoo baddina uu burburay hubkii yaalay xeradaasi.
Isku dhaca ka dhacay Doolow ayaa u muuqda inuu xiriir la leeyahay colaad ballaaran oo dib uga soo cusboonaatay gobolka Gedo, taas oo ku saabsan gacan ku haynta gobolka, ayna isku hayaan Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland.