28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xaalad adag oo ka taagan degmada Beledxaawo

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Xaalad nololeed oo adag ayaa ka jirta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib dagaallo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in nolosha magaalada ay adkaatay, ayna wajahayaan dhibaato weyn kadib dagaaladii ka dhacay, iyadoo adeegyada aas-aasiga ah ay hoos u dhaceen.

Isgaarsiinta magaalada Beledxaawo ayaa la soo warinayaa gebi ahaanba go’an, taasoo sii adkeynaysa xiriirka bulshada.

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo Beledxaawo ayaa tilmaamaya in xaaladdu hadda tahay mid deggan, balse wali ay is hor fadhiyaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, taas oo keeni karta in mar kale uu dagaal qarxo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay intooda ka badan ka barakaceen xaafadahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaal mar kale ka qarxa magaalada.

Ciidamada Jubbaland ayaa la xaqiijiyay in ay ku sugan yihiin gudaha magaalada, halka kuwa dowladda federaalka, oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay fariisin ka sameysteen Xerada UK ee duleedka Beledxaawo.

Xiisadaha siyaasadeed iyo militari ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa mar kale dib u kiciyay khilaafkii gobolka Gedo, iyadoo sidoo kale xaalad deggenaansho la’aan ah laga dareemayo magaalada Doolow.

- Advertisement -

Read more

Local News