25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadada garoonka Boosaaso

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidan gadoodsan ay xirteen wadada muhiimka ah ee gasha garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Askartan oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuma soo dhaawacmay hawl-galka Calmiskaad ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish ayaa ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad.

Waxay sheegeen in aysan helin daryeelkii ay mudnaayeen, iyagoo xirtay wadada gasha garoonka magaalada Boosaaso, taas oo hakad gelisay isku socodkii gaadiidka adeegsanaya wadadaasi iyo in la gaaro garoonka diyaaradaha magaalada.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta degmada Boosaaso iyo Taliska ciidanka booliska gobolka Bari ay halkaasi gaareen, iyagoo wada-hadal la yeeshay ciidanka gadoodsan.

Mas’uuliyiintan ayaa isku dayay inay askartan ku qanciyaan in marka hore ay furaan wadada, waxay u sheegeen in ay dowladda ka heli doonaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli aan lagu guuleysan in wadadaas la furo, taas oo ah wado muhiim u ah isku socodka dadka ee magaalada Boosaaso.

Si kastaba, ma ahan markii u horeysa ee ciidamo ku soo dhaawacmay dagaalka Calmiskaad ay gadoodan, ayna xirtaan wadooyin muhiim ah, si ay xuquuqdooda uga helaan xukuumadda uu hoggaamiyo Saciid Deni, taas oo lagu eedeynayo inay ka gaabisay kaalintii kaga aadaneyd ciidanka.

- Advertisement -

Read more

Local News