28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Daawo: Shacab careysan oo dibad-bax ka dhigay GEDO kuna dhowaaqay in Itoobiya…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baardheere (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo dhigay dibadbax ballaaran ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan, soona dhoweynayaan howlgalka dowladda ee ka socda gobolkaasi, gaar ahaan degmada Beledxaawo.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareeyay weerarkii ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen xarunta Hay’adda NISA ee lagu soo xiray taliyihii degmada Doolow.

Shacabka isugu soo baxay gudaha Baardheere ayaa ku qaylinayay erayo adag oo ay kamid yihiin: “Shiiqaalow guul,” “Itoobiya dooni meyno,” iyo erayo kale oo ay ku cabirayeen dareenkooda.

Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo u badnaa haween, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan Jubbaland iyo ciidamada Itoobiya.

“Jubbaland dooni meyno, waxaan kaloo leenahay Itoobiya dooni meyno,” ayay tiri gabar kamid ah dadkii ka qeybgalay dibadbaxa ka dhacay degmada Baardheere.

Sidoo kale, hooyo kamid ah dadka deegaanka oo goobta ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in ay shacabka ahaan garab taagan yihiin ciidamada dowladda ee haatan howlgalka ka wada degmada Beledxaawo, waxayna ugu baaqday ciidamada Jubbaland inay is dhiibaan.

“Wiilasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Gedo waan garab taaganahay. Waxaan leeyahay: nimanka caada qaatayaasha ah ee u shaqeeya Axmed Madoobe oo Beledxaawo ka aas-aasan, walaalayaal dowladdiinna isku soo dhiiba,” ayay tiri hooyo kale.

Dibadbaxan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dagaalka ka socda Beledxaawo uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen madaafiic sababay khasaare culus oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan.

Xaaladdu weli waa kacsan tahay, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka socda iyo madaafiicda ku dhaceyso qaybo kamid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xiisadda ka taagan gobolka ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana dagaalku uu kusii fidayaa qaybo kamid ah gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

- Advertisement -

Read more

Local News