25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Ciidanka DF oo dagaal culus kula wareegay Beledxaawo iyo kuwa Jubaland oo la…

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta la wareegay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo dagaal culus uu ka socday muddo toddobaad ah.

Ciidamadii taabacsanaa Jubbaland dhinaca ay u jabeen ayaa sidoo kale warar kala duwan ay ka soo baxayaan, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan inay ka talaabeen xuduud beenaadka xiga Kenya.

Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Gedo Cabdirashiid Janan ayaa hoggaaminaya ciidanka la wareegay Beledxaawo, kuwaas oo iska soo duubay muuqaal cadeynaya inay la wareegeen xaruntii degmada, saldhigga booliska iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Ciidamada federaalka oo maalmahaan ku sugnaa meelo istiraatijiyad ah oo magaalada agagaarkeeda ah sida xerada militeriga ee UK ayaa galabta dagaal culus ku qaaday magaalada, iyagoo ugu dambeyn la wareegay.

Ciidan federaal ah ayaa dhowaan la dejiyay Beled‑Xaawo, isla markaana Janan ayaa diyaarad Helikobtar ah ku tegay magaaladaas, isagoo la socday saraakiil sare, wixii maalinkaas ka dambeeyana waxaa bilowday dagaal culus.

Jubaland ayaa horay u sheegtay inay ku fara dirireyso gacan ku heynta ammaanka degmadaas, iyadoo markii horeba ciidamada dowladda ka qabsatay xarumihii danta guud ee gacanta ay ku hayeen.

Dagaalkii maanta ciidamada dowladda federaalka ay kula wareegeen Beledxaawo ayaa socday muddo saacado ah, iyadoo ugu dambeyntii ciidmaada Jubbaland ay isaga baxeen magaalada, markii dagaalka looga awood roonaaday.

Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaalo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday caawa.

Dhanka magaalada Madheera ee Kenya ayaa la sheegay inay caawa u carareen ciidamada Jubaland, waxaana suurtagal ah inay dib ugu soo rogaal celiyaan oo dagaal kale ay soo qaadaan ilaa berri.

- Advertisement -

Read more

Local News