25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Daacish baxsad ah oo lagu qabtay gobolka Bari xilli…

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey buuraleyda Calmiskaad.

Saraakiil ka tirsan hawl-galka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in xubnahan oo laba ah laga qabtay buuraha u dhaw degaanka Kalabayr ee gobolka Bari.

Labadaan xubnood oo ajaanib ah ayaa kamid ah firxadka maleeshiyaadka ee ku dhuumaalaysanaya gobolka Bari, kaddib markii ciidamada difaaca Puntland iyo saaxiibada caalamiga ay kala daadiyeen awooddii kooxdan.

Xubnahan ayaa loo gudbin doona taliska guud ee hawl-galka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si loo mariyo baaritaan dhammaystiran, loona horgeeyo hay’adaha garsoorka, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Hawl-galka ka dhanka argagixisada Daacish ayaa haatan maraya heer geba-gabo ah, kadib markii ciidamadu ay maleeshiyaadka ka saareen inta badan dhulkii ay kaga sugnaayeen maamulka.

Madaxweynaha Puntland oo xalay jeediyay khudbadii sanadlaha ayaa sheegay in uu dhawaan bilaabanayo hawl-galka Calmadow ee buuraha gobolka Sanaag lagaga sifaynayo kooxda Al-Shabaab.

Saciid Deni ayaa ugu bushaareeyay ciidamada maamulka Puntland ee difaaca kaga jira buuraha Calmadow in ay ku soo biiri doonaan ciidamadii hore u fadhiyay Calmiskaad ee ku soo guulaystay ciribtirkii Daacish, sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Read more

Local News