28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xuutiyiinta oo quusiyay markab ka baxay Somalia oo ay sheegeen inuu Israel u socday

Bookmark
Bookmarked

Share

Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa weerar culus ku qaaday markab ganacsi oo lagu magacaabo Eternity C, kaas oo kasoo baxay Soomaaliya.

Markabkan oo Xuutiyiintu ay quusiyeen ayey sheegeen inuu u socday Israel, inkastoo uu safarkiisu kusii jeeday dalka Sacuudiga Carabiya, isla markaana uu siday gargaar bani’aadamnimo oo u waday Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay.

Markabkan ayaa kasoo baxay Soomaaliya oo uu geeyay gargaarka, hase yeeshee Xuutiyiintu waxay ku doodayaan in safarkiisu la xiriiray Israel. Maalintii 27-da Luulyo, kooxda Xuutiyiinta ayaa baahisay muuqaallo muujinaya dhowr ka mid ah shaqaalihii markabka, kuwaas oo la tuhunsan yahay in toddobaadyo gacanta lagu hayay.

Shaqaalahaas ayaa muuqaalka ku jira iyagoo qiraya arrimo loo arko in lagu qasbay, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah iyo walaac la xiriira ku tumashada xuquuqda aadanaha. Warbaahinta iyo hay’adaha xuquuqda bini’aadamka waxay dhacdadaasi ku tilmaameen mid muujinaysa xadgudub muuqda oo bini’aadantinimo.

Weeraradii lagu beegsaday Eternity C iyo markab kale oo la oran jiray Magic Seas, intii u dhaxaysay 6-da ilaa 8-da Luulyo, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan afar badmaax oo saarnaa Eternity C.

Ugu dambeyn, labada markabba way quuseen. Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay soo badbaadiyeen 10 ka mid ah shaqaalaha, balse illaa iyo hadda si sharci-darro ah ayay u sii hayaan.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa ku tilmaantay weeraradan kuwo lagu bartilmaameedsaday maraakiib rayid ah, isla markaana u muuqda falal dambi dagaal ah.

Inkasta oo Xuutiyiintu sheegtaan in ay beegsanayaan maraakiib xiriir la leh Israel, si ay u muujiyaan taageeradooda dadka reer Gaza, haddana Eternity C wuxuu siday cunto gargaar ah oo loogu talagalay dadka baahan, taas oo su’aalo badan ka dhalisay sheegashadooda.

Arrintan kuma eka dhacdadii ugu dambeysay. Bishii Juun 2024, Xuutiyiintu waxay faafiyeen muuqaallo iyo qoraallo muujinaya rag Yemeni ah oo qiraya basaasnimo ay u fidiyeen Israel iyo Mareykanka, balse warbixin ay soo saartay Human Rights Watch ayaa sheegtay in qiraaladaasi lagu helay iyadoo shaqaalaha lagu cabsi geliyay jirdil.

Wasaaradda Shaqaalaha Qurbaha ee dalka Filibiin ayaa dhankeeda xaqiijisay in sagaal ka mid ah shaqaalaha markabka la haysto ay kasoo jeedaan dalkaasi, iyadoo weli aan la helin wax sharci ah oo lagu saleynayo haynta dadkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News