25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Somaliland oo shir deg-deg ka yeelaneysa maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shir deg-deg ah ka yeelanaysa dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, kaasi oo hadda ka arrimiya dhul hore uga tirsanaan jirey Somaliland, balse isku tashi bulsho uga go’ay.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa shir deg-deg ah iskugu yeeray Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliland, kaasi oo maalinta berri ka dhici doona Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Shirkan ayaa looga hadlaya dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari iyo tallaabada ay Somaliland uga jawaabi laheyd, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo warbaahinta gudaha la hadlay.

”Waxaad ogtihiin in maamulka Muqdisho ka taliya ee xukunkooda ku fashilmay ay gobolada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland ay maalmahan ka wadeen hagardaamo,” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la yaab leh in maanta maamulka Muqdisho bilaabay inuu sheegto gobollo kamid ah Somaliland, sida; Sool, Sanaag iyo Togdheer. Waxay sheegashadaas muujinaysa sida ay uga aradan yihiin taariikhda dhulka ay ka hadlayaan.”

Wasiirka ayaa sheegay in dhaqaalihii caalamku ugu deeqay Dowladda Federaalka u adeegsaday burburinta gobollada Somaliland oo nabad ka jirto. “Beesha caalamka waxaa u sheegaynaa in dhaqaalihii ay maamulka Muqdisho ugu deeqeen inuu dib-u-dajin ugu sameeyo waddankiisa uu ku fashilmay, una adeegsaday hurinta colaad,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland berrito shir deg-deg ah ayuu isugu yeedhay golihiisa xukuumadda, oo lagaga falanqeyn doono arrinka maamulka faashilka ah ka wado gobollada Somaliland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Somaliland oo si weyn uga soo horjeeda dhismaha maamulka Waqooyi Bari oo lagu yagleelay magaalada Laascaanood ayaa haatan ka fikiraysa tallaabada ay qaadi laheyd, waxaana la filayaa in shirka deg-degga ah ee berri qabsoomaya lagu go’aamin doono.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News