27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Maxaa maanta ka socda gobolka Jubada Hoose?

Bookmark
Bookmarked

Share

Afmadow (Caasimada Online) – Ciidanka gaarka ah ee DANAB iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa si wadajir ah u fuliyay howl-gal ballaarin ah oo laga sameeyay waddada isku xirta Janaay Cabdalla iyo Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Howl-galkan ayaa ka mid ahaa dadaallada lagu horumarinayo isu socodka gaadiidka, iyadoo la xoojinayo ammaanka guud ee gobolka.

Ujeeddada ugu weyn ee dib u habayntan ayaa ahayd in la yareeyo saxmadda gaadiidka isla markaana la sugo badqabka waddooyinka, kuwaasoo marar badan bartilmaameed u noqday qaraxyo miino oo sababay khasaare rayid.

Deegaannada sida gaar ah uu saameeyay howl-galka waddo ballaarinta ah waxaa ka mid ah Orgiyoow, Qumbi, iyo tuulooyinka ku teedsan deegaanka Dhasheeg Waammo.

Saraakiisha ammaanka dowlad-goboleedka Jubbaland iyo kuwa federaalka, gaar ahaan qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa goob-joog ka ahaa habsami u socodka howl-galka.

Ballaarinta waddooyinkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu adkeynayo isku socodka bulshada iyo xoojinta la-dagaalanka khataraha amni ee ka jira gobolka.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada huwanta oo kaashanayaa saaxiibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News