Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Dardar geliyey qorshaha uu deked hawada sare ah uga dhisayo Soomaaliya, tallaabadaas oo loo arko inay si weyn ugu adeegayso himilooyinkiisa ku aaddan horumarinta teknoolojiyadda hawada sare iyo xoojinta awoodda difaaceed, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda.
Xaruntan, oo ay hoggaaminayso Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga (TUA), ayaa noqon doonta goob laga rido gantaallada dayax-gacmeedyada iyo meel lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer, iyadoo la filayo in dhismaheedu si rasmi ah u billowdo dhawaan.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii Diseembar 2024 mashruucan kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah u muujiyay inuu yahay mid ku yimid iskaashi buuxa oo lala yeeshay dowladda Turkiga.
Sida uu qoray wargayska Türkiye Daily, Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ayaa masuul ka noqon doonta kormeerka iyo hirgelinta dekedda hawada sare, taasoo la rumeysan yahay inay noqon doonto xaruntii ugu horreysay ee noocan ah oo laga dhiso qaaradda Afrika.
Mashruucan ayaa lagu fulin doonaa dhul ballaaran oo gaaraya 900 kiiloomitir oo isku wareeg ah, kuna yaalla xeebta Badweynta Hindiya, meel ku dhow dhulbaraha — taasoo la sheegay inay tahay goob si gaar ah ugu habboon in gantaallo si hufan looga rido.
Dhismaha dekedda hawada sare ayaa lagu wadaa inuu billowdo kaddib marka la qabto tartan qandaraas oo dhowaan la qorsheeyay. Mas’uuliyiintu waxay saadaalinayaan in dhismaha lagu dhammeystiri doono muddo laba sano gudahood ah, iyada oo kharashka ku bixi doona lagu qiyaasay $350 milyan oo doollar, taasoo loo qeybin doono wejiyo kala duwan.
Goobta istiraatiijiga ah ee mashruucu ka dhacayo, oo ah meel u dhow dhulbaraha, ayaa u oggolaanaysa in gantaallada lagu rido shidaal yar, iyadoo xamuul weynna la qaadi karo — sida ay sheegeen saraakiisha mashruuca.
Tijaabinta gantaallada riddada dheer
Dekeddan hawada sare ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doonta dadaallada Turkiga ee dhinaca difaaca, gaar ahaan tijaabinta gantaallada riddada dheer. Goobta lagu tijaabin doono, oo u jeedda Badweynta Hindiya, ayaa hoos u dhigi doonta khataraha suurtagalka ah, maadaama burburka gantaallada aanu halis ku noqon doonin deegaanada la deggan yahay ama waddamada deriska ah.
Waxaa la qorsheynayaa in lagu tijaabiyo gantaallo riddadoodu ka badan tahay 1,000 kiiloomitir, kuwaas oo lagu ridayo dhanka badweynta.
Gantaalka ugu riddada dheer ee hadda Turkigu leeyahay, oo lagu magacaabo TAYFUN, ayaa leh awood gaaraysa masaafo dhan 800 kiiloomitir. Tijaabadiisii ugu horreysay, oo laga sameeyay magaalada Rize, ayuu ku gaaray masaafo dhan 561 kiiloomitir, sida uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
“Waxaan kordhin doonnaa kaydkayaga gantaallada 800-ka kiiloomitir gaara, waxaana dardargelin doonnaa horumarinta gantaallada 2,000-ka kiiloomitir gaara,” ayuu yiri Erdoğan. Dekedda hawada sare ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaarto tijaabinta hababkan casriga ah.
Turkigu wuxuu dhismaha dekedda hawada sare ee Soomaaliya u arkaa fursad uu ku kobcin karo doorkiisa caalamiga ah ee dhinaca hawada sare, isla markaana uu si weyn ugu xoojiyo awooddiisa istiraatiijiyadeed ee dhanka difaaca iyo cilmi-baarista teknoolojiyadeed.

