Doolow (Caasimada Online) – Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ayaa maanta ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Bannaanbaxan oo ay dhigeen dadka shacabka ah, ayaa ka dhashay caro xooggan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolkaasi, kaasoo ay ciidamada Soomaaliya saddex cisho ugu qabteen in ay uga baxaan magaalada Beledxaawo oo haatan ay ku sugan yihiin.
Shacabka mudaharaadayay ayaa si cad uga hor yimid hadalkaasi, iyagoo ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah qarannimada iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed, kuna qeexay mid aan marnaba la aqbali karin.
Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayaya in ay la dagaalamaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo.
Cabdullaahi Shimbir, oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo isla markaana taabacsan dowladda Federaalka, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amar la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, kuwaasoo dhawaan la wareegay Beledxaawo.
Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyay in arrintan ay u arkaan gar-darro cad, isla markaana aysan aqbali doonin maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in tallaabada Itoobiya ay dhaawaceyso xiriirka darisnimo iyo is-aaminaadda haatan soo hagaagaysa ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyagoo gebi ahaanba cagta mariyay, kadibna xirey taliyihii xeradaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, kuna saabsan xad-gudubkaasi ay Itoobiya geysatay.
Si kastaba, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay dhawaan si buuxda ula wareegeen magaalada Beledxaawo, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.

