Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacisay magacaabista xubnaha cusub ee Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka Soomaaliyeed (SNREB).
Sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda, magacaabista xubnaha golahan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo cilmi-baaris caafimaad oo ku dhisan hufnaan, anshax sare iyo nidaam sharciyeed cad, iyadoo la raacayo qorshaha isbedelka qaran (National Transformation Plan).
Golahan cusub ee SNREB ayaa loo xil-saaray inay dib u eegis ku sameeyaan, qorsheeyaan, isku xiraan isla markaana kormeeraan dhammaan cilmi-baarisyada caafimaadka ee dalka laga hirgeliyo, sida lagu caddeeyay bayaanka wasaaradda. Mas’uuliyadda golahan ayaa sidoo kale dabooli doonta cilmi-baarisyada la xiriira nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka (WASH), deegaanka iyo dhaqamada bulshada.
Bayaanka wasaaradda ayaa intaas ku daray in ujeedka ugu weyn ee golahan yahay in cilmi-baarisyada lagu hago xeerarka anshaxa cilmi-baarista ee heer qaran iyo go’aanka Golaha Wasiirrada Summadiisu tahay SHGW.00.84.10.19 ee la ansixiyay 10 October 2019, kaas oo qeexaya nidaamyada Machadka Caafimaadka Soomaaliya.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa bayaanka ku sheegay in dhismaha golahan uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhiirigelinta cilmi-baarista caafimaad ee dalka, iyadoo ilaalinaysa xuquuqda aadanaha kuna dhisan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan.
Sidoo kale, xubnaha cusub ee Golaha SNREB ayaa lagu tilmaamay inay yihiin khubaro sare oo leh aqoon iyo khibrad dheer oo ku saabsan caafimaadka, anshaxa bio-etikada, cilmi-baarista caafimaadka, sharciga iyo siyaasadda guud ee caafimaadka Soomaaliya. Waxaa la filayaa inay gutaan waajibaadkooda si waafaqsan heerarka anshaxa gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Ugu dambeyntii, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, jaamacadaha, xarumaha caafimaadka iyo daneeyayaasha kale inay si dhow ula shaqeeyaan golahan cusub, loona hoggaansamo xeerarka iyo nidaamyada Golaha SNREB si loo gaaro cilmi-baaris caafimaad oo lagu kalsoonaan karo.


