27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Puntland oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilowday gobolka Sanaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabay qeybo kamid ah gobolka Sanaag, kuwaas oo ay sheegtay in ay kula dagaalamayso maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow.

Taliye ku-xigeenka ciidanka difaaca Puntland, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) ayaa booqasho kormeer ah ku tagay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugan jiidda hore ee buuraha Calmadow. Waxaa safarkaasi ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan taliska ciidanka.

Safarkan oo taliyaha ku wehlinayaan saraakiil sare oo ka tirsan taliska ciidanka ayaa intii uu socday kormeerka, wuxuu taliyuhu indha-indheyn ku sameeyay dhammaan saldhigyada ciidamada ee ku sugan difaaca hore.

Kormeerkan ayaa bar bilow u ah howl-galka la qorsheeyay ee Onkod, kaas oo loogu talagalay in lagaga sifeynayo buuraha Calmadow kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland.

Taliska ayaa sheegay in saraakiisha booqashada ku tagay jiidda hore ay la yeesheen kulamo dhiirrigelin iyo wacyigelin ah ciidanka, iyagoo ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo fulinta waajibaadka qaran.

Sidoo kale, waxay ciidamada ku booriyeen in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan wejiga cusub ee howlgalka Onkod, oo lagu beegsan doono kooxaha argagixisada ku dhuumaalaysanaya buurahaas.

Dhanka kale, Abbaan-duulaha guud ee ciidanka difaaca Puntland, S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere), ayaa socdaal shaqo ku tegay deegaanka Yubbe ee degamada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Halkaas ayuu ka bilaabay abaabul iyo qaramayn ciidan beeleedyo deegaanka ku sugan, kuwaasoo sida uu sheegay lagu darayo ciidanka rasmiga ah ee qeybta ka noqon doona howlgalka Calmadow.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in lagu guuleystay howl-galkii Calmiskaad, isla markaana ay haatan u ruqaansanayaan dhanka Calmadow oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u ah saldhig.

- Advertisement -

Read more

Local News