Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Hormuud Telecom ayaa iska fogeysay ku lug lahaanshaha barakicinta dhulka Siinaay, iyadoo beenisay in ay sinaba ugu lug leedahay arrimaha dhulkaasi, oo dowladdu ka bilowday burburin iyo barakacin hor leh.
“Shirkadda Hormuud waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda.
Hormuud ayaa caddeysay in xitaa guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.
War-saxaafadeedka shirkadda Hormuud ayaa si toos ah u beeniyay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Yaasiin Fareey, oo isagu si weyn uga soo horjeeda burburinta ay dowladda ka wado dhulka Siinaay.
Yaasiin Fareey oo uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in ay hantidooda iska geliyaan dhulkaas, ayaa ku eedeeyay Hormuud iyo Salaam Bank inay si toos ah ugu lug yeesheen burburinta suuqa Siinay iyo barakicinta dadka ku ganacsada ama deegaansaday.
“Waxaa nasiib daro weyn ah in shiirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Bank oo aan in mudo ah ka shaqeyneyey bedqabka sumcadooda una heysana hantida ummadda Soomaaliyeed ay si toos ah ugu lug yeeshaan burburinta dhulka Siinaay,” ayuu Yaasiin Fareey ku yiri qoraal uu soo saaray.
Waxa uu intaas kusii daray “Marnaba ma aqbaleyno falka ay ku kaceen waxa ayna qeybtooda ka qaadan doonaan cawaaqib xumada ka dhalata musiibada loo geystay shacabka Siinaay. Ma jirto cid aan uga gambaneyno, ku ixtiraameyno, uga tanaasuleyno xuquuda dadkeena marasta ah ee la baa’iiyey. Kama sabri doono dhibaatada loo geystay dadka reer Siinay.”
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Hormuud oo dhameystiran:
WAR-SAXAAFADEED
Shirkadda Hormuud Telecom waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay.
Haddaba, shirkaddu waxa ay si rasmi ah u caddeyneysaa in:
- Hormuud Telecom aanay maalgelin mashruucaas, lugna ku lahayn.
- Shirkadaha ka faracmay (subsidiaries) shikradda Hormuud aysan wax maalgelin ah ku lahayn mashruucan, si toos ah ama si dadban.
- Guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.
- Bankiguna uusan maalgelin mashruucan.
Ugu dambayn, shirkaddu waxa ay mar labaad caddaynaysaa in aanay sinnaba ugu lug lahayn arrimaha la xiriira Suuqa Siinaay.