25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Ghana xilli ay wajaheyso murugo weyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay madaxda iyo shacabka Ghana kadib geerida wasiirro iyo saraakiil sare oo dalkaas uga baxay shil diyaaradeed oo Arbacadii ka dhacay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi.

Bayaan tacsi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay garab taagan tahay dhiggeeda Jamhuuriyadda Ghana oo la murugeysan dhibaatada ka dhalatay shilkaasi diyaaradeed, kaasi oo galaaftay nolosha 8 xubnood.

“Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysa dowladda iyo shacabka dalka saaxiibka ah ee Jamhuuriyadda Ghana, kaddib shil naxdin leh oo sababay geerida siddeed qof, oo ay ku jiraan Wasiirka Gaashaandhigga, Dr. Edward Omane Boamah, iyo Wasiirka Deegaanka, Sayniska iyo Teknolojiyadda, Dr. Ibrahim Murtala Muhammed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka: “Waxaan si qoto dheer uga naxnay murugada ay Ghana ku sugan tahay, Soomaaliya waxay la wadaagaysaa dareen tacsiyeed oo qalbi ah dhammaan dadkii ay saameysay dhacdadan murugada leh.”

Soomaaliya ayaa si dareen leh u muujisay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin Ghana xilligan adag ee baroor-diiqda, iyaga oo u diraya dareenkooda ugu xanuunka badan, kuna celinaya ballan-qaadkooda midnimo iyo naxariis.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigay, halka madaxweyne Mahama uu hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah si loo muujiyo murugada dhacdadan.

Shilalka ay ku lug leeyihiin diyaaradaha yar yar ayaa ah kuwo mararka qaar laga dareemo Bariga Afrika.

Bishii April ee sanadkii hore, taliyihii guud ee ciidamada Kenya ayaa ka mid ahaa 10 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo dhacay Kenya, wax yar kadib markii ay duushay diyaarad milatari.

Shilalkan ayaa si dhab ah faah-faahin dhammeystiran looga soo gudbin marka guddiyada ka shaqeynaya arrintaan ay sameeyaan baarista loo xil-saaro.

- Advertisement -

Read more

Local News