Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Jubaland ayaa sheegay in xiisadda colaadeed ee ka soo cusboonaatay gobolka Gedo ay salka ku hayso ajandayaal siyaasadeed oo shisheeye, gaar ahaan kuwa la xiriira muranka Webiga Niil ee u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Masar.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jubbaland, ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu si bareer ah u kala qaybinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Gedo, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo nidaamka federaalka.
“Jubbaland waxay si adag u aaminsan tahay in duullaanka milatari ee cusub ee ka socda Gedo uu xambaarsan yahay ajandayaal shisheeye oo qarsoon, gaar ahaan kuwa ku saabsan muranka Webiga Niil, arrintaas oo Soomaaliya ku dhex jiidaysa colaad aanay wax lug ah ku lahayn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa dhowaan ka digay in joogitaanka ciidammada Itoobiya oo ay wehliyaan kuwa Masaari ah—oo la filayo inay ku biiraan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya bilaha soo socda—ay hurin karto isku dhac baahsan, haddii aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya dejin istaraatiijiyad qaran oo cad.
Itoobiya iyo Masar ayaa weli isku maan-dhaafsan arrinta Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), taasoo dhalisay walaac laga qabo in loollankoodu uu soo gudbo gudaha Soomaaliya.
Jubaland ayaa sidoo kale ku eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu gobolka Gedo geeyay taliyihii hore ee nabad-sugidda gobolkaas, Cabdirashiid Janan—oo haatan la safan Dowladda Federaalka—si uu u hoggaamiyo howlgallada ka dhanka ah ciidamada Jubbaland.
Dhanka kale, xiisad ayaa weli ka taagan magaalada xuduudda ku taalla ee Beledxaawo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saraakiil ka tirsan milatariga Itoobiya oo ka howlgala Gedo ay ku amreen ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Janan inay deegaanka ka guuraan. Amarkaasi wuxuu kiciyay dibadbaxyo ballaaran iyo eedeymo ku saabsan ku xadgudubka madax-bannaanida qaranka.
Boqollaal ka tirsan dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay waddooyinka maalintii Khamiista, iyagoo muujinayay taageerada ay u hayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka soo horjeeda faragelin kasta oo shisheeye.
“Waan diidnaynaa amar kasta oo shisheeye oo wax u dhimaya xaqa aan u leenahay is-maamul,” ayuu yiri mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Ciidanka Qaranku wuxuu halkan u joogaa inuu na difaaco. Waa magaaladeenna, mana jirto cid shisheeye ah oo noo yeerin karta sida aan amnigeenna u maareynayno.”
Horumarradan dambe ayaa sii murjiyay xiriirkii u dhexeeyay Muqdisho iyo maamulka Jubaland ee fadhigiisu yahay Kismaayo, kaasoo ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u soo farageliso, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xisaabtanto xiisadda sii kordheysa.
Ciidamada Federaalka ayaa dhowaan magaalada Beledxaawo kala wareegay ciidamada Jubaland, kaddib iska hor-imaadyo culus oo dhex maray. Dowladda Federaalka ayaa ku eedaysay Jubbaland inay ka dambaysay hurinta colaadda, waxayna tan iyo markaas hakisay adeegyadii dowliga ahaa ee ay ka bixin jirtay qaybo ka mid ah gobolka Gedo.
Jubaland ayaa iska fogaysay eedeymahaas, waxayna ku celisay in shacabka reer Gedo aan lagu qasbi karin inay u dulqaataan colaad salka ku haysa hagardaamooyin siyaasadeed. Maamulka ayaa sidoo kale ka digay tallaabooyin dheeraad ah oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo nidaamka federaalka ah ee dowladnimada Soomaaliya.

