28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xafiiska Xamza oo xaqiijiyey jiritaanka mooshin xildhibaankii abaabulay uu soo hadlay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Kamaal Guutaale, ayaa xaqiijiyey inuu jiro dhaqdhaqaaqa mooshin laga abaabulay xukuumadda, kaas oo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay doonayaan in xilka looga qaado Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Kamaal Guutaale oo soo qaatay muuqaalka Xildhibaan hore Prof. Dalxa oo Facebook-giisa uu soo dhigay, isagoo ku soo dul qoray, “Ragaa JW Marriott motion ku qoraaya. Ragaa ka joogadaas wali ku haaya. Shacabka Soomaaliyeed isku ma war haayo.!”

Dadka falanqeeya siyaasadda oo adeegsaday sawir laga qaaday postiga Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Kamaal Guutaale, ayaa warkiisa ku macneeyey in dareen culus ay xukuumaddu ka qabto mooshinka laga abaabulayo.

Intaas kadib, waxaa soo hadlay Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo sheegay in mooshinka lagu ridayo xukuumadda Xamse lagu diyaarinayo Nairobi.

Xildhibaan Sanyare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in mooshinka la diyaariyey ay saxiixeen xildhibaano gaaraya 120 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Sanyare wuxuu sheegay in 23-ka bishaan oo ku beegan maalin Sabti ah ay qorsheeyeen in mooshinkaas la keeno kulanka baarlamaanka, si kalsoonida loogala noqdo Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xukuumadiisa.

“Mooshinka kalsooni kala-noqoshada Xukuumada Xamse Cabdi Bare, ee lakeeni doono maalinta sabtida ah 23 Augast insha allaah, waxaa saxiixay xildhibaabano gaaraya 120 mudane, wali waxaa naga dhiman 20 mudane, xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ilasoo xiriro,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo waqooyiga Gaalkacyo laga soo doorto.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen Ra’iisul Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taasina waxaa sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u qabo Ra’iisul Wasaarihiisa.

Xildhibaanada mooshinka wada Madaxweynaha ma beegsanayaan ee waxay hadda go’aansadeen inay xukuumadda ridaan, waxaana la sheegay in xubnaha mooshinkaan abaabulaya ay dowladda ka waayeen dantooda gaarka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News