25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sawirro yaab leh oo ka yimid Bariire – Geedkaan waxaa loogu xiray inuu dagaalamo ila uu ka dhinto

Bookmark
Bookmarked

Share

Bariire (Caasimada Online) – Weriyaal ku sugan Bariire ayaa la kulmay labo ka mid ah maxaabiista dagaalka ee Khawaarijta Al-Shabaab looga qabtay dagaalkii toddobada maalmood ka socday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxbuuska koowaad, waxaa loogu tegay isagoo ku xiran geed weyn oo silsilad lagula qunfulay.

Wuxuu sheegay in horjoogayaasha arxanka daran ee Khawaarijta ay silsilad ugu xireen in uu dagaalamo ilaa uu ka dhinto.

Toddoba maalmood ayuu halkaas ka dagaalamaayey, waxaa agyaalla caag la jaray oo cunto loogu riday maalintii uu dagaalku bilowday.

Wuxuu sheegay in sidii uu u dagaalamaayey ay rasaastii ka dhamaatay, ugu dambeyntiina ciidanka xoogga dalka ay nolosha ku qabteen.

Maxbuuska labaad waxaa la qabtay isagoo dhaawac ah, waxaana hadalladiisa laga fahmay inuu yahay horjooge sare, sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee dowladda.

Ninkaas wuxuu sheegay in maleeshiyaadkii uu watay oo dagaalka lagu laayey uu gurmad ahaan uga keenay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wareysiyo laga qaaday, balse ilaa hadda aan la baahin ayaa la sheegay in raggaan ay ku bixiyeen xogo xasaasi ah oo ku saabsan dagaalkii dhacay, qaabkii loo qabtay iyo sidii loo soo dagaal geliyey.

Fiidkii hore ee caawa, ayaa sidaan oo kale loo soo bandhigay muuqaal yaab leh oo muujinaya sida Al-Shabaab loogu laayey Bariire, kaas oo diyaaradaha dagaalka ay duubeen, iyagoo toos u fulinaya duqeynta.

 

- Advertisement -

Read more

Local News