28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Madaxii xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya oo geeriyootay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), Dr. Aisa Kirabo Kacyira, ayaa geeriyootay 12-kii Agoosto 2025 iyadoo 61 jir ah, kaddib xanuun muddo dheer soo jiitamayay.

Dr. Kacyira waxaa bishii Febraayo 2023 xilkan u magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, iyadoo bedeshay Lisa Filipetto oo u dhalatay Australia. Waxay la timid in ka badan soddon sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan diblomaasiyadda, hoggaanka siyaasadda, gargaarka bini’aadantinimo, iyo horumarinta heer maxalli, qaran iyo caalami.

Waxbarashadeeda jaamacadeed waxay ka koobnayd Bachelor of Veterinary Medicine oo ay ka qaadatay Jaamacadda Makerere ee Uganda iyo Master of Veterinary Science in Animal Production and Economics oo ay ka qaadatay Jaamacadda James Cook ee Australia. Sidoo kale, waxay wadatay MBA ka socday School of Finance and Banking ee Rwanda iyo Maastricht School of Management ee Netherlands.

Intii ay xilal kala duwan ka soo qabatay dowladdeeda Rwanda, waxay ahayd Duqa Magaalada Kigali intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2011, xil ay ku kasbatay abaal-marinta UN-Habitat Scroll of Honour Award sannadkii 2008, iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Rwanda muddo kooban sannadkii 2011. Waxay sidoo kale ahayd safiirka Rwanda u fadhida Ghana, isla markaana ahayd safiir aan degganayn oo qaabilsan Benin, Togo, Sierra Leone, Côte d’Ivoire iyo Liberia.

Shaqadeeda Qaramada Midoobay waxay ka bilaabatay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee UN-Habitat oo ay haysay intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2018, ka hor inta aysan loo magacaabin Madaxa UNSOS sannadkii 2023. Kahor shaqooyinkaas, waxay ka soo shaqeysay horumarinta beeraha iyo arrimaha bini’aadantinimada ee Wasaaradda Beeraha ee Rwanda, ururrada Oxfam iyo Care International, iyo ururro kale oo caalami ah.

Dr. Kacyira waxay ahayd hooyo iyo xaas, waxayna ka tagtay afar carruur ah. Saaxiibadeed iyo asxaabteed shaqo waxay ku tilmaameen hoggaamiye dulqaad leh, daacad ah, isla markaana ka go’an wadahadalka iyo horumarinta nabadda.

- Advertisement -

Read more

Local News