Sawirro: R/W Xamza oo soo bandhigay qorshe culus oo seddax sano socday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta daah-furay isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay โ€œQorshaha Xukuumadda DanQaranโ€ muddadii ay shaqeynaysay.

Kulan balaaran oo Galaha Wasiirrada ay isugu yimaadeen maanta ayaa lagu soo bandhigay qorshahaas oo ku saleysan baahida bulshada iyo horumarinta dalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in isla-xisaabtakani uu muujinayo ballanqaadkiisii ku aaddanaa dowlad wanaagga.

Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay Xukuumaddu xaqiijisay horumarro muuqda oo dhinacyo badan leh.

โ€œWaxaan rabnaa in aan iskula xisaabtanno wixii ka hirgalay qorsheyaashii aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagnay, caqabadaha yimid iyo waxa inala gudboon,โ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wuxuu intaas ku sii daray, โ€œsaddex sano ayaan soo dhammaynay waxaan galnay sanadkii afaraad, waxaan hubaa waddanka in aad shaqo wayn ka qabateen dhinac kasta marka laga fiiriyo.โ€

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay shacabka Soomaaliyeed sida hufnaanta iyo masuuliyadda leh ee Xukuumaddu ay mudnaanta u siisay ka shaqeynta fulintii barnaamijyadii hortabinta u lahaa, ee ku qotomay, horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-xoreynta, sugidda amniga, caddaaladda, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale iyo Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la’ah.

- Advertisement -

Read more

Local News