Laascaanood (Caasimada Online) โ Baarlamanka Woqooyi Bari ee dhawaan lagu dhisay magaalada Laascaanood ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka.
Doorashada guddoonka Baarlamaanka oo ay ku xigto midda Madaxtooyada, ayaa waxaa lagu dhameyn doona wax walba toddobaad gudihiis, sida uu muujinayo jadwalka doorasho ee uu soo saaray baarlamaanka.
Ansixinta habraaca doorashada iyo shaacinta guddoonka Golaha Wakiillada ayaa maanta dhacday, iyadoo qabashada araajida musharaxiinta iyo diiwaan-gelintooda ay bilaaban doonto maalinta berri ah, waxayna socon doonta illaa 22-ka bishaan.
“Qabashada codsiga musharaxa, diiwaan-gelinta iyo qabashada khidmada musharaxiinta waxay qabsoomi doonaan Agoosto 20-22, 2025, laga bilaabo 8:00 subaxnimo illaa 8:00 habeennimo,” ayaa lagu yiri jadwalka kasoo baxay baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.
Hadal-jeedinta musharixiinta iyo qabashada doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa iyadna dhacaysa 23-ka bishaan, sida lagu shaaciyay jadwalka doorashada ee kasoo baxay Baarlamaanka.
“Shahaada siinta Musharaxiinta ku guulaysta Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhaarinta Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ayaa sidoo kale dhaceysa isla maalinta la doorto,” sida lagu shaaciyay jadwalka.
Shaacinta jadwalkan doorasho ayaa imanaya xilli uu soo baxayo guuxa in kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka loo xiro beesha Fiqishinni, taasi oo ay miiska soo saareen xildhibaannada kasoo jeeda beeshan ee Baarlamaanka Waqooyi Bari.
Doorashada guddoonka marka laga dhamaado ayaa waxaa si rasmi ah loo guda-geli doona tan hoggaanka maamulka, taasi oo la sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo galaangal xooggan ku leh hanaanka doorasho ee maamulkaasi.
Dowladda dhexe ayaa dooneysa in maamulka cusub uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye oo kumeel-gaarkii kasoo saaray, halka ay jagada madaxweyne ku-xigeenka la sheegay inay u xulatay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda gobolka Sanaag.