Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi, iyada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay waddooyinka waawayn, kuwaas oo sameeyay howlgallo lagu soo qabtay rag halis ah oo ku howlanaa falal ammaan darri ah.
Ciidamada lasoo dhoobay magaalada ayaa bilaabay howlgallo culus oo amni xaqiijin ah, waxayna isku fidiyeen gudaha iyo daafaha Dhuusamareeb oo ah caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in howlgallada ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, isla markaana lagu sugayo amniga guud ee Dhuusamareeb.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad loo arko inay halis ku yihiin amniga, laguna eedeeyay inay ka shaqeynayeen falal liddi ku ah ammaanka magaaladaasi oo uu maanta ku wajahan yahay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.
Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.
Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.