Xasan oo labo arrin u tegay Dhuusamareeb iyo mid ka daran oo ka taagan Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta safar ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaas oo la qorsheeyey in muddo seddax maalmood ah uu sii joogo.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay labo arrin oo muhiim ah, midda hore waa in berri uu bilaabayo xarig jarka dhowr mashruuc oo deeq bixiyayaasha caalamka ay maalgaliyeen.

Xarumaha uu Xasan Sheekh, Dhuusamareeb ka xarig jari doono waxaa ugu horeeya saldhigga qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo loo dhisay xarun weyn oo casri ah, kadib markii xaruntii hore ee qeybta laga dhisay Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarrigga ka jaraya xarunta baarlamaanka Galmudug oo si cajiib ah loo dhisay iyo wajiga koowaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lasoo gabagabeeyey.

Xarig jarka kadib, Madaxweynaha guda gelaya kulamo xasaasi ah oo ka dhici doona Dhuusamareeb, kuwaas oo dagaalka Al-Shabaab u uku Dardar gelinayo, waxaana Dhuusamareeb mar kale laga abaabulayaa howlgal lagu xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Galmudug.

Istiraatiijiyadda dagaalka ayaa sidii hore ka duwan, waxaana markaan la qorsheeyey in Dhuusamareeb ay ka wada dhaqaaqaan ciidamada qaranka iyo kuwa AUSSOM, si lamid ah howlgalkii lagu xoreeyey Bariire ayaa loo xoreynayaa Ceelbuur.

Kumanaan askari oo Jabuutiyaan ah ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalka ka bilaabanaya Galmudug, kuwaas oo dhowaan ay soo dirtay dowladda Jabuuti, madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb kula kulmi doona saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah AUSSOM.

Dowladda ayaa qorsheysay in markaan laga maarmo kaalintii ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, kuwaas oo qorsha laโ€™aan ku geli jiray dagaalka, waxaana lama huraan noqotay in istiraatiijiyad dhab ah lagu galo dagaalka.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaya xilli ay cakirnaan siyaasadeed ka jirto dalka, gaar ahaan Muqdisho, dhawaanna ay burbureen wadahadaladii siyaasadeed uu kula jiray Mucaaradka.

Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka oo Sabtida soo socota ay ahayd inuu furo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in dib loo dhigayo, maadaama laga cabsi qabo in la horkeeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

 

- Advertisement -

Read more

Local News