Ankara (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, Dr. C. Kani Torun, ayaa soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “Haddii qabiil dowlad noqon karo, Afrika waxay yeelan lahayd 500 oo dowladood.”
Wuxuu si toos ah uga hadlay aqoonsiga ay raadineyso Somaliland, isagoo yiri: “Madax-bannaanida Somaliland maaha mid waaqici ah marka la eego isir ahaan, diin ahaan iyo luqad ahaanba.”
Safiirku wuxuu sheegay in aanay jirin wax farqi ah oo dhab ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo caddeeyey inuu taageersan yahay midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
“Ma jiro farqi u dhexeeya Somaliland iyo qaybaha kale ee Soomaaliya marka la eego shuruudaha waaweyn,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya.
Danjire Torun ayaa intaas ku daray in farqiga keliya ee jira uu yahay kan ku saleysan qabiilka, taasna lagu xallin karo nidaamka federaalka.
“Waxaa jira hal farqi oo kaliya, kaas oo ah qabiilka, waxaana si fiican ugu habboonaan lahaa federaalka. Haddii qabiil walba uu helo dowlad madax-bannaan, Afrika waxay yeelan lahayd in ka badan 500 oo dowladood,” ayuu yiri Danjire Torun.
Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu xusay in mushkiladda ugu weyn ee Soomaaliya iyo Somaliland haysata ay salka ku hayso xaaladda Muqdisho.
“Haddii Muqdisho ay xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira qaybaha kale ee Soomaaliya, Somaliland ma heli lahayn dacwad adag oo ku saabsan madaxbannaanida,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga.
Danjire Torun ayaa qoraalkiisa oo uu ku daabacay bartiisa X ku soo gabagabeeyey: “Markaa Somaliland in la eedeeyo waxba ma tarto, ee aynu Xamar ka dhigno mid shaqaynaysa.”